Shirqooladii Carabta ee Somalia iyo waxa la gudboon Farmaajo inuu ku wajaho arrinta Berbera

Dowladaha Carabtu walaal ma ahan. U fiirso taariikhda. Masar waxay Soomaaliya ku dhiiri gelinaysay in ay dhulka ay heystaan Kenya iyo Itoobiya ay dagaal ku soo dhacsato. Diblomaasigii la dilay ee Masaarida ahaa Kamaluliidiin Saalax, wuxuu taageeri jiray wada jirka Soomaaliya. Masar waxay Soomaaliya u soo diri jirtay qoryo Xakiim Dheere ah, iyo rag ka socda Azhar oo la yiri Soomaalida ayay wax barayaan. Jamaal Cabdinaasir wuxuu noo muujiyay saaxiibtino, Soomaaliyana waxay dagaal la gashay Itoobiya 1964. Dowladdii Soomaaliya ee garabka ka fileysay Masar waxaa ammakaag ku noqotay markii Jamaal Cabdinaasir oo ka hadlaya shirkii Midowga Afrika ee July 1964 Qaahira uu ku qabtay, kadibna Haile Salaissie la saxiixday heshiis ah in xuduudihii gumeysiga laga dhaxlay aan waxba laga bedeli karin. Dagaalkii ay na geliyeen, ayay haddana nooga baxeen.

Yemen (Koonfur) waxay si cad uga hiilisay Soomaaliya markii ay dhib u qabtay garab istaag, waa dagaalkii 1977, oo Yemen si cad u taageertay Itoobiya.

Maanta oo ay Turkey Soomaaliya u soo gurmatay, wax walba ay qabatana ay dowladda dhexe ee Soomaaliya uga dambeyso, siyaasaddana aan faragelin toos ah ku heyn, waxaa yimid Imaaraat oo u taagan qas iyo hagardaamo, ayagoo ku gabannaysa gargaar. Haddii ay Imaaraatku walaal Soomaaliya yihiin maxaa keennay in ay wiiqdo awoodda dowladda dhexe, oo ay madax maamul goboleed u taageertaa, siyaasiyiin goonni u goosad sheegta ay heshiis deked iyo militari ula gashaa, ayadoo ay dowladdii dhexe joogto? Maxay si cad ugu taageertay murashax u gaar ah?

Maanta markii uu murashaxa shacabka guuleystay, waa taas qaska bilowday. Waxaan xusuustay sannadkii 2004 mar arday badan oo jaamacad ka dhigannayay Masar oo in iqaamo loo soo cusboonaysiiyo u doontay laanta socdaalka Masar, loogu soo wada dhuftay ” 7 maalmood dalka kaga baxa”. Markii ay weydiiyeen sasabta, waxaa lagu yiri, “burcad badeeddiina ayaa muwaadiniinteena qabsatay”. Anigoo arday miskiin ah, maxaan ka qaban karaa burcad badeed? Waa qowm sida caruurtii cidda tabar dari bidaan ka aarsada, ayagoon wax feker ah gelin.

Malaha haddii baarlamaanka federaalka murashaxa imaaraatka lagu qasbi waayay, kan Hargeisa ayaa qaska laga shidayaa.. Waa hagardaamo bilowgeeda…

Waxaan kula talinayaa Madaxweyne Farmaajo in uusan arrintaasi marnaba ka hadlin, kuna mashquulin. Madaxdu waxay xoogga saaraan istiraatijiyad, cadowguna wuxuu bilaabaa furimo cusub oo buuq ah “noise”.. Madaxweyne haddii uu “noise” ku mashquulo, waa fashilmayaa. Waa tabtii Xasan Sheekh ay Kenya ku fashilisay, xusuuso faro gelintii Kismaayo ee uu sanad ku baabi’iyay. Dowladda Imaaraatka sharci ayaa lagu kala baxayaa, ayadoo degganaansho la muujinayo.

W/Q: Hassan Adam Hosow

Kala xiriir: https://www.facebook.com/HassanAdamHosow