Miyeysan Africa ugu filneyn cashir ahaan sawiradaan laga diiwan geliyey madaxda Soomaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Africa waxay reer Yurub iyo reer Galbeedka ku sheegaan inay ku jirto hurdo aan dhamaad laheyn  iyagoo mararka qaar ku mashquuliyo dagaalo iyo khilaafaadka ay ka dhex dhaliyaan madaxdada African.

Haddaba Soomaaliya oo la ogyahay waxa ay dhibaato soo martay, dagaalo, qax, qaraxyo iyo is qabqabsi ayaa waxay sanadihii ugu dambeeyey ku tallaabsatay horumar ballaaran weliba labadii doorasho ee ugu dambeeyey.

Madaxda Africao ayaa intooda badan lagu tiriyaa inay yihiin dad jecel xukunka oo aan sanado badan ka dagin, waxaana mararka qaar dhacdo inuu madaxweyne wadan Africa ah isaga qabsado Afgambi iyo dagaal.

Balse Soomaaliya waxaa loo diiwaan geliyey taariikh weyn maadaama madaxweynayaashii ugu dambeeyey ay si nabad ah isugu wareejiyeen xilka taasoo muujineyso midnimada iyo qaranimada macaanka ay leedahay.

Waxaa sanadihii uu dambeeyey Soomaaliya ka dhacay dhawr doorasho oo qaarkood lagu qabtay wadamada dariska ah oo ay kamid yihiin Jabuuti iyo Kenya markaas oo lagu soo kala doortay Cabdiqaasim Salaad Xasan Iyo Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana mar kale Jabuuti lagu soo doortay Shiikh Shariif Sh. Axmed oo ka tirsanaa Midowgii Maxaakiimta.

Sidoo kale waxaa dalka ka dhacday laba doorasho oo si nabadgalyo ah la isugu wareejiyey xilka madaxweynimo markaas oo ay ku kala guuleysteen Xasan Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Haddaba hoos ka daawo sawirada madaxdii soomaaliya soo maray oo si nabadgalyo ah oo farxad ka muuqato isugu wareejiyey xilka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com