Man United iyo Liverpool oo isha ku haya Christian Eriksen.

Manchester United iyo Liverpool ayaa diirada saartay ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Ajax Christian Eriksen, kaasoo lasoo werinaayo inuu diiday inuu qandraas cusub kooxda u saxiixo. Waxayna doonayaan inay soo dhaqaajiyaan xagaaga soo aadan. Sida uu qoray wargeyska Metro.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Denmark ayaa qandaraaskiisu dhacayaa 2014ka, Ajax ayaana laga yaabaa inay dhegeysato dalabyada u imaanaya iyagoo aan dooneyn inuu uga baxo beeca xorta ah.

Ciyaaryahankii hore ee Arsenal garabka uga ciyaari jiray Arsenal Marc Overmars oo hada agaasime ka ah Ajax ayaa qiray in kooxda heysata horyaalka Dutch ay isku deyeyso inay heshiis cusub ka saxiixato ciyaaryahanka balse ay adag tahay.

“Waan jecelnahay inaan Christian ka saxiixano qandaraas cusub, laakiin ma ahan wax uu isago rabo,” ayuu u sheegay wargeyska dalkaasi kasoo baxa ee Sporten.

Warkan ayaa sheegaya in xidigaani uu soo jiitay dareenka labada koox ee reer England Liverpool iyo Man United ayna ka fikirayaan dalab ay u diraan Janaayo.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.