3 madaxweyne goboleed oo yimid Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo ay ka dhaceyso xafladda caleema saarka Madaxweynaha cusub ayaa waxaa soo gaaray inta badan hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada, si ay uga qayb-galaan caleema saarka.

Madaxweynahaha HirShabelle oo maalmahan ku maqnaa safar dibadeed ayaa maanta lagu soo dhoweeyey garoonka Aadan Cadde.

Soo dhoweyntiisa ayaa waxaa ka qayb-galay xildhibaano, wasiiro iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa maanta caasimada soo gaaray Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Lafta gareen oo kasoo amba-baxay Muqdisho, waxaa isna si ballaaran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dhankiisa Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa ku sugan caasimadda, wuxuuna soo gaaray maalintii shalay aheyd, isaga oo wata kaliya ilaalo dharcad ah.

Wararka ayaa sidoo jkale intaasi ku daraya in Madaxweynayaasha kale ee Galmudug iyo Puntland la sugayo saacadaha soo socda, si ay qayb uga noqdaan madax goboleedyada kale.

Xafladda caleema saarka Madaxweynaha oo beri dhaceyso ayaa waxaa lagu wadaa inay kasoo qab-galaan madax kala duwan, safiiro iyo marti sharaf kale oo caalami ah.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana maamulka gobolka Banaadir uu ka codsaday reer Muqdisho inay dul qaataan inta ay ka dhaceyso xafladda caleema saarka.

15-kii bishii hore ee May ayey aheyd markii ay dhacday doorashada Madaxweynaha oo mar labaad loo doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah xilka ula wareegay.