4 qodob oo ku jira heshiiska Dhuusamareeb 3 oo Deni iyo Madoobe ay diidan yihiin

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garowe ee xarunta gobalka Nugaal waxaa ku shirsan Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo safar ku tagay magaaladaas.

Labadaan Madaxweyne ayaa qaadacay natiijada Shirkii Dhuusamareeb 3 waxaana socda kulamo ay uga tashanayaan khilaafka ka dhashay arimaha doorashada iyo waqtiga kala guurka ah.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa diidan afar qodob oo ku jira shirkii Dhuusamareeb waxaana qodobadaasi ay kala yihiin.

1) – In laga saaro qodobka sheegaya in doorashada lagu galo cisbi, lagana dhigo ergo kaliya.

2) – In guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka meesha laga saaro lana magacaabo guddi doorasho oo heer maamul goboleed iyo heer federaal, laakiin lagu heshiiyo.

3) – In ergada laga dhigo 101 qof, soona xulaan odayaasha dhaqanka oo keliya, lana baabi’iyo kuraasta la israacinayo.

4) – In magaalooyinka ay doorashada ka dhacayso ay go’aamiyaan maamul gobaleedyada, laguna faro-galinin.

Dhinaca kale, waxaa socda dedaalo lagula hadlayo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland waxaana dadaalkaas wada xubnaha beesha caalamka.

Wararka aan helnay ayaa sheegayaa in madaxda dowladda lagu cadaadinayo in ay dhageestaan tabashada maamulada Jubaland iyo Puntland waxna laga qabto.