Madaxweyne Xasan oo faah-faahin ka bixiyey kulankii uu la yeeshay Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horreysay ka hadlay kulankii xalay magaalada Muqdisho ku dhexmaray isaga iyo Fahad Yaasiin, oo ah Taliyaha NISA.

Xasan Sheekh ayaa kulankaasi ku sheegay mid ka marnaa arrimaha siyaasadda, wuxuuna ku macneeyay mid ‘booqasho ahaa’ oo aan laheyn ajende siyaasada, maadama kulankaasi lala xiriirinayay magacaabista  ra’iisal wasaaraha cusub iyo arrimaha doorashooyinka dalka 

“Kulankii aniga iyo Fahad yasiin nagu dhaxmaray hooygeyga shalay ma ahayn kulan siyaasadeed” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. 

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Wax ajende siyaasadeed ah oo aan ka wada hadalnay ma jirin. Wuxuu ahaa booqasho salaan ah”.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in kaalinta uu kaga jiro talada dalka darteed uu Fahad ugu booqday gurigiisa, isla markaana ay ku koobneyd arrimo ka baxsan xaalka dalka. 

“Maadaam aan oday Soomaaliyeed ahayna qof kasta oo soo gasho gurigeyga waa la xusmeynaa mar kasta.”

Marka laga soo tago hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, illo xog-ogaal ah ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey in laga wada hadlay qodobo badan oo la xiriiro xaaladda kala guurka uu dalka marayo iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka dhanka doorashada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in arrimaha laga wada hadlay ay ku jirtay magacaabida Ra’iisul Wasaaraha oo Madaxweyne Farmaajo ku dheeraatay.

Hadal heyn xoog leh ayaa soo xoogeysaneysay todobaadyadii u dambeeyay oo ahaa inay dhici karto in Mucaaradka lagula gorgortamo xilka Ra’iisul Wasaaraha ama Xukuumad qeyb ka yihiin mucaaradka.

Qorshaha ka dambeeya arrintaas ayaana ah muddo kororsi, haddii ay dhacdo in Ra’iisul Wasaaraha lagula heshiiyo Mucaaradka, waxaana loo arkaa in Fahad Yaasiin yahay buundada isku xiri karta Mucaaradka iyo Farmaajo oo uu gacantiisa midig yahay.