Maxaa kasoo baxay kulankii Madasha Xisbiyada Qaran iyo Beesha Caalamka?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa goor dhow soo dhammaaday kulan xasaasi ah oo u dhaxeeyey Beesha Caalamka iyo Madasha Xisbiyada Qaran kaasoo looga hadlayey heshiiskii ay Dhuusamareeb 3 ku kala saxiixdeen Dowladda Dhexe iyo qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyada.

Kulanka u dhaxeeyey Beesha Caalamka iyo madasha xisbiyada Qaran ayaa wuxuu ka dhacay gudaha Xarunta Xalane ee Muqdisho, waxaana ka qeyb galay hoggaamiyaasha ugu sarreeyo madasha.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Beesha Caalamka la wadaagtay walaac ku saabsan heshiiskii Dhuusamareeb lagu gaaray ee ku saabsanaa doorashada , waxayna Beesha Caalamka ka codsatay in heshiiskaas laga qeyb geliyo dhammaan saamileyda siyaasadda si uu u noqdo mid dhameystiran.

Beesha Caalamka iyo Madasha ayaa sidoo kale isla gartay inay lagama maarmaan tahay in heshiiska Dhuusamareeb 3 lagu caddeeyo waqtiga ay sida rasmiga ah u dhaceyso doorashada.

Sidoo kale waxay Beesha Caalamka iyo Madasha isla garteen in xal deg deg ah loo helo khilaafka waqtiga dheer soo jiitamayey ee u dhaxeeyo baarlamaanka Labadiisa Gole si loo ansixiyo heshiiska Dhuusamareeb 3.

Kulanka Beesha Caalamka iyo Madasha xisbiyada Qaran ayaa kusoo aadayo xilli la hadal hayo in Beesha Caalamka ay Madaxweyne Farmaajo ku cadaadineyso in mar kale ay kulmaan dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka si loo dhameystiro heshiiska Dhuusamareeb 3 oo ay ka maqnaayeen madaxweynayaasha Jubbaland iyo Punland.