27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

41 sano kadib Addis Ababa oo laga xusay dagaalkii Soomaaliya iy Ethiopia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Munaasabad lagu xusayay guushii Ethiopia ka gaartay Soomaaliya dagaalkii dhacay 1977 ayaa lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, munaasabadaasi oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin kala duwan.

Magaalada Adis ababa ee dalka Ethiopia  waxaa lagu qabtay xaflad loogu dabaaldegayay guushii Ethiopia  ay ka gaartay Soomaaliya dagaalkii labada dal dhexmaray sanadihii 1977 ilaa 78ddii ee loo bixiyay Kaaramardha.

Dhallinyaro Reer Adis ababa ah ayaa isugu soo baxay Fagaaraha Taallada Dilachin ee Bartamaha Adis ababa,waxaana ay halkaas ku xuseen guushii Ciidankii Ethiopia ay Soomaaliya ka gaareen 5tii March sanadkii 1978ddii.

Dagaalkaas waxaa ka qeybgelay 300,000 oo Itoobiyaan ah iyo Tobanaan kun oo Askarta Dalka Cuba ah,kuwaas oo taageerayay Ethiopia, waxaana in badan oo ka mid ah Askarta Cuba ay naftooda ku waayeen dagaalkaas.

Soomaaliya ayaa qeybta hore ee dagaalkaas guul ka gaartay,waxaana ay gudaha u gashay 700KM.

Soomaaliya dhinaceeda waxaa dagaalka uga baxay Midowgii Soviet,waxaana taageerayay Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Ethiopia
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News