29.7 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

5 deegaan oo Shabaab ku sugnaa oo cagta la mariyay iyo saanad ciidan oo la soo furtay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo taageero ka helaya Ciidamada Amniga Jubaland ayaa howlgal ballaaran ka wada deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Howl-galladan ayaa si gaar ah uga socda deegaanno hoostaga degmooyinka Jilib, Xagar iyo Afmadow, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Waxaa ka mid ah goobaha ay ciidamadu cagta mariyeen deegaannada Waraha Qalley, Farshabeel, Jigees, Qaawiley iyo Weelmaarow.

Intii ay socdeen howl-galladan dhulka ah, waxaa barbar socday duqeymo dhanka cirka ah oo ay taageerayeen saaxiibbada caalamka, kuwaas oo si wax ku ool ah u xoojiyay beegsiga dagaalyahannada Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanayay deegaannadaas.

Howlgalka ayaa lagu gaarsiiyay kooxda jab xooggan, iyadoo la dilay 27 dhagarqabe, oo ay ku jiraan xubno muhiim u ahaa Al-Shabaab, sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Sidoo kale, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo ay ka mid yihiin qoryaha BKM, RPG iyo AK-47, iyo miinooyin ay argagixisadu damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

“Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sii wada howl-gallada lagu baacsanayo Shabaabka, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo badbaadada shacabka ku nool deegaannada Jubbooyinka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dadaallada sii xoogeysanaya ee ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubaland, kuwaas oo maalmahan dambe kordhiyay gulufyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Jubbooyinka, si loo xaqiijiyo amniga loogana saaro kooxaha hubeysan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.

- Advertisement -

Read more

Local News