Muqdisho (Caasimada Online) – Ergo uu soo diray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray guriga uu Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka dagay agagaarka xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka socdo abaabulka dibadbaxa mucaaradka.
Ergada ayaa waxaa hoggaaminayo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, waxaana sidoo kale qayb ka ah xubno ay kamid yihiin Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhagdheer), Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas iyo mas’uuliyiin kale.
Sanator Dhagdheer oo dhex-dhexaadintan uu wax ka waydiiyay Telefishinka Universal ayaa si kooban uga warbixiyay ujeedkooda, xili uu sii galayay hoyga uu dagay Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
“Haa ergo ayaan u nimid,” ayaa ku jawaabay Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhagdheer) oo kamid ah xubnaha ka socda Xasan ee u tegay Sheekh Shariif.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in haatan ay labada dhinac u socdaan wad-hadallo ku aadan sidii loo dajin lahaa xaaladda, maadaama dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayo gudaha magaalada Muqdisho.
Mucaaradka ayaa weli ku adkeysanaya in dibadbaxooda ay qabsadaan berri oo Khamiis ah, halka dowladdana ay rabto in lagu qabto meelo gaar oo loo cayimay.
“Meel naloo xadidaayo oo aan ogolnahay ma jirto annaga wax colaad ah oo aan hurineyno malaha mudaharaadka berri waayay, wuxuuna noogu dhacayaa si nabad ah. Wax wada-hadal ah marnaba kama galeyno sida aan u mudaharaadeyno iyo sida aan xuquuqdeenna u muujineyno,,” ayuu goor sii horeysay yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.
Xaaladdan soo korortay ayaa keentay in caasimada si weyn looga dareemo dhaq-dhaqaaq ciidan oo cabsi ku beeray dadka deegaanka, iyada oo sii kordhayaan digniinaha laga bixinayo in dagaal uu ka dhex qarxo labada dhinac.

