5 ku dhimatay Hargeysa & dhaawaca 24

Haygeysa (Caasimada Online) Sida ay sheegayaan wariyaasha ku sugan magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in shil baabuur oo ka dhacay meel ku dhow Hargeysa ay ku dhinteen illaa shan askari oo ka tirsan ciidanka Somaliland, halka 24-kalena ay ku dhaawacmeen.

Shilka ayaa la sheegay in uu ka dhashay markii ay isku dhaceen labo baabuur oo mararay deeganka ku yaalla magaalada Hargeysa.

Taliyaha ciidanka booliska maamulka Somaliland Cabdulaahi Fadal Iimaan ayaa  saxaafadda u sheegay in shilka baabuur ay ku dhinteen illaa afar askarta ciidamada dowladda.

Wuxuu intaas ku daray in dhammaan dadkii dhaawaca ahaa la dhigay isbitaalka magaalada Hargeysa, halkaasoo hadda lagu daweynayo.

Dadka ku dhintay shilka waxa ku jira ku xigeenka wacyi galinta ciidanka Booliska Somaliland Marxuum Yaasiin Jaamac.

Meydka dadka dhintay ayaa la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay gaareen madax ka tirsan maamulka Somaliland.

Waa shilkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Hargeysa sida ay lee yihiin wariyaasha ku sugan halkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa