5 qodob oo ka khaldanaa baahinta magacyada codeyntii Aqalka Sare

In la daabaco magacyada xildhibaannada iyo qaabka ay ugu codeeyeen mowduuc xasaasi ah wuxuu halis ku yahay arrimahan:

  1. Amniga xildhibaannada, ha noqdaan kuwii labada dhinac ee (haa) iyo (may) u kala codeeyay. Waxaa dhici karta in loo ugaarsado qaabka ay u codeeyeen.
  2. Waxaa muuqata in bixinta xogtan ay tahay mid ujeeddooyin siyaasadeed ay ka leeyihiin mid ka mid ah dhinacyada is haya, laakiin waxay noqon kartaa qodob mustaqbalka horseeda in xog kasta oo dawladda in bannaanka la keeno.
  3. Arrintan waxay saameyn xun ku yeelan doontaa habsami-u-socodka hawlaha Aqalka Sare, gaar ahaan arrimaha la xiriira codeynta sharciyada iyo arrimaha kale ee xasaasiga ah, waayo waxaa dhici karta in dad badan ay ka cabsadaan soo-bandhigista noocan oo kale ah.
  4. Xildhibaannada Aqalka Sare waxay warbaahinta faafisay magacyadooda ka dalban karaan mag-dhaw maadaama ay khatar geliyeen noloshooda oo markii horeba ay halis ku jirtay.
  5. Haddii ay dhacdo in xilka aad hayso darteed aad ku ogaan karto macluumaad xasaasi ah oo sidoo kalena ay u baahan tahay warbaahin aad xiriir la leedahay maxaad sameyn lahayd (conflict of interest), ama macluumaadka ay heli karto ay siyaasad ahaan u dhaawici karaan siyaasiyiin kale (political character assasination).

Haddaba waxaa habboon in dhacdadan aysan sahlan xildhibaannada Aqalka Sare oo arrintan ay wax ka qabtaan dhinacyada ay khuseyso (Wasaaradda Warfaafinta, Guddiga Warfaafinta ee Aqalka Sare, Nabad Sugidda, iwm).

Waxaa sidoo kale xusud mudan in muddooyinkanba ay aad u badnaayeen xogaha dawladda ee aan loogu talo galin inay soo baxaan oo warbaahinta lagu faafiyo. Sidaasi darteed waa in xad loo yeelo hawlaha dawladda ee warbaahinta loo gudbinayo.

Waxaa Qoray: Maxamed Cali Yuusuf