5 qof oo qaba dhaawacyo halis ah oo maanta laga soo dejiyey magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan shan qof oo qaba dhaawacyo darran islamarkaana wax looga qaban waayay Isbitaalada magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Shantaan qof ayàa ku soo dhaawacmay dagaal beeleed maalintii 5-aad ka socda duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, waxaana wali taagan xiisada degaanka.

Dhaawacyadaan ayaa la dhigay Isbitaalka Digfeer, waxaana la sheegay in ay yihiin kuwa aad u liita oo qeybaha sare ay ka haleeshay rasaastii lays dhaafsanayay ee duleedka Kismaayo.

Warar ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawacyo kale oo la filayo in saacadaha soo aadan laga soo qaado Kismaayo, kuwaas oo sidoo kale ku dhaawacmay dagaalkii shalay.

Jubbaland ayaa shalay guddi wasiiro ah u saartay dagaal beeleedkaan oo qaatay maalmo badan, waxaana laba jeer lagu guul dareestay in xabad joojin lakala dhax dhigo dhinacyada dagaalamaya.

Dagaal beeledkan oo u dhaxeeya maleeshiyo kasoo kala jeeda beelaha Majeerteen iyo Cawrmale, ayaa waxaa ku naf waayey dad ku dhow 30 qof, ayada oo tobaneeyo kale ay ku dhaawacmeen.