25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

5 xisbi siyaasadeed qaran oo digniin ka soo saaray doorashada Jubbaland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiyada Wadajir, UPD, Himilo Qaran, Xisbiga Nabadda, iyo Kutlada Badbaado Qaran ee Baarlamaanka ayaa War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen waxa ay kaga hadleen doorashada Jubbaland.

Xisbiyada ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen dowladda federaalka oo ay shegeen inay faragelin ku heyso howlaha doorashooyinka ee ka socda Dowlad goboleedka Jubbaland, iyaga oo dowladda ugu baaqay in sugida Amniga ay uga dambeeyaan Jubbaland.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay uga digayaan dowladaha deriska qaarkood inay farageliyaan arrimaha doorashooyinka Jubbaland oo soo ifbaxayaan dhaq dhaqaaqyo Cusub oo shaki abuuri kara sidii ka dhacday magaalada Baydhabo oo aan ka mid aheyn waajibaadkooda .

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka kasoo baxay xisbiyada

 

- Advertisement -

Read more

Local News