Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aynu ka helay xildhibaano baarlamaanka ka tirsan ayaa sheegaya in Guddi xildhibaano ah oo tiradooda lagu sheegay 50 in loo saaray in ay ka soo baaraan dagaan khilaafka maalmahan ka dhex taagan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Xassan Shiikh iyo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Guddigan ayaa kulankoodii ugu horreeyey shalay yeeshay, waxeyna isla eegayaan sharciyada goáanka Madaxweynuhu ku dalbaday Is-casilaada Ra’iisul Wasaaraha iyo haddii khilaafka labada nin lagu dhameyn karo qaab ka duwan in baarlamaanka mooshin la geeyo kadibna Ra’iisul Wasaaraha kalsoonidiisa cod la geliyo, waxaana xildhibaanadan lagu wadaa in saacadaha soo socda ay goáan rasmi ah soo saaraan.
Xildhibaano ka mid ah kuwa Ra’iisul Wasaaraha taabacsan ayaa qorsheynaya haddii kulanka baarlamaanka uu shir-guddoomiye Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mahad Cawad in halkaasi gacan ka hadal iyo buuq ka dhici doono.
Xildhibaanadani ayaa waxa ay sheegayaan in Mahad Cawad aanu marnaba dhexdhexaad ka aheyn khilaafka labada masúul, isaga oo si toos ah u caddeystay inuu la safan yahay Madaxweynaha, waxaana uu ka mid ahaa Guddigii shalay iyo dorraad lacagaha u qeybinayey xildhibaanada si ay mooshin uga keenaan Ra’iisul Wasaaraha.
Xubnaha taageersan madaxweynaha ayaa doonaya inay ka faa’ideystaan maqnaansha guddoomiyaha baarlamanka Jawaari ee dalka, waxaana la sheegay in Mahad Cawad ay ka go’an tahay inuu rido Saacid, xittaa haddii uu helo cod ku filan.
Guddigan cusub ee 50 Xildhibaan ah ilaa hadda ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay, waxaana lagu wadaa in arrinta la isku haysto ay dhinacyo badan ka eegaan, deetana ay goáan kama dambeys ah ka soo saaraan.
Dadka indhaha ku haya sida ay wax u socdaan ayaa sheegay in ay rajo weyn ka qabin in xildhibaanada Guddiga ah ay wax weyn soo kordhin karaan, maadaama xildhibaanadu u kala qeybsan yihiin labada dhinac, waxaase jirta xildhibaano shalay iyo shalay lacago lagu siiyey in ay mooshinka keenayaan inuu isbedel ku yimid fikirkooda, ayna muujiyeen in ay taageersan yihiin Ra’iisul Wasaaraha.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]