6 Febraayo muxuu la kulmayaa C/WELI GAAS?!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii maamulka Puntland uu cadeeyay ineysan la dhacsaneyn go’aankii dowlada Soomaaliya kasoo saartay shirkii madasha wadatashiga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa so baxayay kulamo kala duwan oo looga arinsanayay sidii Puntland loogu qancin lahaa go’aanka soo baxay.

Kulamada kala duwan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya xubnaha beesha caalamka iyo wakiilada dowladaha daneeya arimaha Soomaaliga kaga sugan magaalada Muqdisho kuwaasi oo dadaal dheeraad ah u galaya sidii Puntland looga dhaadhicin lahaa wanaaga ku jiro go’aanka dowlada Soomaaliya ay soo saartay.

Xog aan heleyno ayaa sheegaya in wafdi ka socdo beesha caalamka iyo dowlada Soomaaliya ay tagi doonaan Puntland, iyaga o kulamo gaar ah la qaadan doono madaxweynaha maamulka Puntland si isagana loogu qanciyo nidaamka 4.5.

Xogo dheeraad ah oo aan heleyno ayaa sheegeysa in 6 Febraayo deegaanada Puntland ay tagayaan wafdi ka socda Beesha caalamka kuwaasi oo si gaar ah ula kulmi doona madaxweynaha maamulka Puntland, si shacabka Puntland looga gado in C/welli Gaas dhankiisa lagu cadaadinayo aqbalida nidaamka 4.5.

Haddii uusan isbedel kale dhicin waxaa wafdiga tagaya magaalada Garowe ee ka socdo Puntland kamid noqonaya ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo heyb ahaan kasoo jeeda deegaanada Puntland si uu wadahadalada qeyb kaga noqdo.

Ka hor shirka ka dhacaya dalka Turkiga ayaa la qorsheynayaa  in madaxda Soomaalida ay wada taageeraan go’aankii kasoo baxay shirkii bishii Janaayo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com