60 jir shaaca ka qaaday in shaqadii dowladda looga eryey ‘hayb qabiil’ darteed

Boorama (Caasimada Online) –  Maxamed Cabdi Xaashi (Diini), oo ah lixdan jir muddo badan ka soo shaqeynayay dowladda hoose ee magaalada Boorama, ayaa sheegay in uu Maayirka Boorama, Saleebaan Xasan Xadi uu shaqadii uga joojiyey hayb qabiil.

Odeygan Lixdan jirka ah oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu shaqaalaha dowladda hoose ee Boorama uu ku soo biiray 1975-tii, uuna kamid yahay 550-shaqaale oo ka howl-gala dowladda hoose ee Boorama.

Maxamed Diini ayaa xusay in Maayirka Boorama uu ku cunsuriyeynayo inuusan ka soo jeedin beesha Gadabuursi, maadama uu dhalasho ahaan ka soo jeedo degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud.

Aabaha dhibanaha ah ee mudada badan ka soo shaqeynayey dowladda hoose ee Boorama, ayaa isagoo ilmeynaya wuxuu sheegay in Maayirka Boorama uu mushaarkiisi ka haysto muddo 7-bilood ah, uuna si gaar ah uga dhex takooray boqolaalka shaqaale ee ka howl-gala dowladda hoose.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu Maayirku xiray maadama uu xiligaa gacanta ku hayey buugaagta Canshuurta, isla markaana uu duudsiiyey ‘khidmad’ uu kulahaa bugaagtaasi maadama uu ahaa qeybta gurta canshuuraha.

Maxamed Diini ayaa ugu dambeyntiina dalbaday in xaqiisa looga dhiciyo Maayirka, oo uu sheegay in uu baday ‘Ciil’, isagoona si gaar ah Fariin ugu diray dadweynaha reer Boorama oo uu ka dalbaday inay ka dhiidhiyaan dulmiga lagula kacay.

Caasimada Online, oo isku deyday inay Maayirka Boorama wax ka weydiiso Aabaha sheegay inuu hayb qabiil uga saaray shaqada, ayeysan u suurta-galin maadama uu ka jawaabi waayey telefoonkiisa gacanta.