27.2 C
Mogadishu
Wednesday, May 21, 2025

Daawo: Xasan oo ka hadlay dagaalka Shabaab, qiil yaab lehna u sameeyey ciidanka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, isagoo ka jawaabay guul darradii maanta ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka looga qabsaday degmada muhiimka ah ee Aadan-yabaal, isagoo dadka Soomaaliyeed ku dhaliilay inay guusha ka gaabiyeen.

Xasan Sheekh ayaa aad u sharaxay micnaha u dhaxeeya dagaal dalku kula jiro Khawaarijta iyo wax ka dhacay goob dagaal, wuxuu sheegay in is riix riix uu ka dhacayo goobaha dagaalka, balse hadafka guud ee dowladda uu yahay in cadowga laga adkaado, taasna ay xaqiijinayaan.

“Nnatiijada aan xaqiijineyno waa dagaalka dalku ku jiro ee cadowga Khawaarijta ah looga xoreynayo, waxa dhacaya oo aad arkeysaan waa faltan dagaal oo nimba maalin la riixayo, labo sano ayaan guuleysaneynay, marka guul daradu hadii dhowr maalmood ay isku kaana raacdo waa inaan u adkeysano, kana adkaano cadowga,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay ciidamada qaranka sida ay ula dagaalamaan cadowga Khawaarijta, wuxuu sheegay in wiil Soomaaliyeed uu meel kasta oo dalka kamid ah ku hor taagan yahay cadowgaas oo qofna aan cafineyn.

“Yaan la niyad jebin, dagaalka waan ku guuleysanay, waana socdaa, saakay waxa meel ka dhacaya waa goob dagaal, natiijadeedu waxay rabto ayey noqon kartaa, laakiin dagaal guud ayaan ku jirnaa, waana hadaf aan xaqiijinay, mararka qaar hadii nala soo dabakaco, taas macnaheedu maaha, dagaalka waa lagu fashilmay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in caalamku ku daalay garab istaagga dadkaan Soomaaliyeed oo aan horay u socon, isagoo tusaale u soo qaatay sida Soomaaliya looga soo kaalmeeyey dhanka ammaanka iyo yaraanta natiijada la xaqiijiyey iyo wixii caalamku ka soo maray inuu ka qeyb qaato dib u dhiska dalka oo weli wax badan ay ka mid yihiin, isagoo eedeynta dusha ka saaray dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaan ka sheegay madal uu ku soo xiray Shirweynaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka oo Muqdisho lagu qabtay, isag soo bandhigay sida ay dowladda uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bulshada ee arrimaha xuquuqda iyo adeegyada sharciga.

Madaxweynaha ayaa xusay in aan la gaari karin horumar siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho haddii aan la dhammaystirin hannaanka dhowrista xorriyadaha aasaasiga ah, isagoo adkeeyey in la dhameystiro shuruucda horumarinaya xuquuqul insaanka iyo dhismaha hay’ad madax-bannaan ee xuquuqda aadanaha.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay duruufaha ku xeeran dalkeenna oo dagaal kula jira argagixisada, taas oo saamayn toos ah ku leh xaaladda xuquuqda dadka Soomaaliyeed, maadaama argagixisadu ay ku xadgudbeen xaq kasta oo ay lahaayeen dadkeennu, isuna soo bahaysteen daadinta dhiigga dadkeenna iyo boobka hantidooda.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalay hay’adaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay, bulshada rayidka ah iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.

Hoos ka daawo

- Advertisement -

Read more

Local News