9 Arrin oo laga faa’iday booqashada Madaxweyne Farmaajo Ee Masar

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa booqasho labo maalmood ku tagay dalka Masar, inta uu Qaahira joogay waxaa uu aqalka madaxtooyada ee Caabidiin kula kulmay dhiggiisa Masar Cabfifitaax Al-sisi, Xarunta Mashyakhada waxaa uu ku booqday Sheekha Al-Azhar Axmed Dhayib, isaga oo hoolka shirarka Azhar kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.

Faa’ido ahaan, marka laga soo tago adkeynta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, waxaa dhacay kulamo dhinac socday kan labada madaxweyne taasi oo ka dhalatay in la isku afgarto iskaashi amni iyo mid dhaqaale.

1. Adkeynta Xiriirka Taariikhiga Ah: Masar iyo Soomaaliya waa dad xiriir lahaa illaa xiliyaddii Faraaciinta, si xiriirkaasi loo sii adkeeyo ayuu madaxweyne Farmaajo booqasho ku tagay Qaahira, waa safarkiisii 1aad, Laakin waa markii 4aad uu madaxweyne Soomaaliyeed booqdo magaalada Qaahira 3dii sano ee la soo dhaafay iyo inta uu madaxweyne ahaa SISI, taasi oo muujineysa ahmiyadda xiriirka labada dal.

2. Taageero Ciidan: Masar waxaa ay Madaxweyne Farmaajo u ballan-qaadey in ay ka caawin doonaan dhismaha ciidamada qalabka sida.

Safarka madaxweynaha waxaa ku wehliyay taliyaha ciidamada xoogga dalka, isaga oo dhiggiisa Masaari la saxiixday heshiis is-afgarad ku saabsan iskaashi dhanka militariga ah gaar ahaan argigixisada.

3. Maalgeshi: Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi, waxaa uu ka hadlay sida dalkiisa uga go’an tahay maalgeshi in ay ku sameystaan Soomaaliya gaar ahaan Kaluunka iyo xoolaha isaga oo soo jeediyay in sanadkan inta ka dhiman ay booqashooyin heer wasiirro ah dhacaan si loo hirgeliyo iskaashi dhaqan, dhaqaale.

4. Midnimada Soomaaliya: Masar waxaa ay mar kale ku celisay taageeradeeda Soomaaliya iyo sida ay u ilaalineyso midnimada dadka iyo dhulka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Masar waxaa uu hoosta ka harriiqay in Masaarida ay taageerayaan Soomaaliya oo federal ah oo mideysan, isaga oo ballan-qaadey in ay ka faa’ideysan doonaan xubinimadooda golaha ammaanka ee qaramada midoobey iyo kan Afrika sidii codka Soomaaliya loo maqli lahaa.

5. Suuq-geynta Soomaaliya: Sida ay qortay saxaafadda Masar, Soomaaliya oo horay Masaarida ugu yeeri jireen dalkii Majaacada ama baahida, waxaa ay la soo baxday weji kale, mas’uuliyiinta la socotay madaxweyne Farmaajo oo wasiirro ku jireen, waxaa ay Qaahira ay u sheegeen in Muqdisho heyso fursado badan oo maalgeshi ah sida beeraha, waraabka, Macdan qodosho, Petroolka, Gaaska, xoolaha, Kaluunka, Hilibka, waxbarashada, Caafimaadka iyo arrimo kale.

6. Taageerada Al-Azhar: Sheekha Azhar Axmed Dhayib waxaa uu madaxweyne Farmaajo u ballan-qaaday in ay Soomaaliya ka taageeri doonaan dacwada diinta Islaamka, waxbarashada, isaga oo intaa raaciyay in ay horay u soo direen wufuud Soomaalida ka wacy-gelisa, tababar ay u sameeyeey Imaamyo badan ayuu soo qaatay iyo Sheekha oo ku celiyay in ay kordhiyaan deeqaha waxbarasho ee Azhar siiso Soomaaliya.

7. Wacyigelinta  Jaaliyadda: Soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ay u sameyeen Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qaahira waa arrin kale oo muhiim aheyd, waxaa halkaasi tagay ardeyda iyo dhammaan jaaliyadda ku nool dalkaasi, si ay madaxweynaha uga dhageystaan xaaladda dalka.

Madaxweynaha waxaa uu kulanka Jaaliyadda uga faa’ideystay inuu ka wacyigeliyo dhalinyarada arrimaha tahriibka, isaga oo ka codsaday in ay iska dhaafaan.

8. Cadaadis Siyaasadeed Ma Jirin: Booqashadan Madaxweyne Farmaajo waxaa ay meesha ka saartay shaki badan oo ku aadanaa in Soomaaliya lagu caadidin doono inay xiriirka u jarto dalka Qatar, kuna biirto xulafada sacuudiga,  in Masaarida ay saldhig Militari ka dhisan doonaan Soomaaliya, In Itoobiya loo tashan doono!!….Laakin xaqiiqda waxaa ay noqotay in tuhunkaasi uu noqodo hal bacaad lagu lisay.

9. Shirka Dib-u-dhiska Soomaaliya: Safiir Xamuud Samraan oo Jaamacadda carabta wakiil uga ah Soomaaliya waxaa uu sheegayaa in sanadkan dhammaadkiisa la qaban doono shir dib loogu dhisayo Soomaaliya, waxaa kale oo la filayaa in Muqdisho booqasho ku yimaado Xogheyaha guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abuu-Geyd.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,