Mucaaradka Ax’ed Madobe oo kulmay iyo isbahaysi cusub oo ay sameesteen

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta shir ku yeeshay qaar kamid mucaaradka hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Madoobe.

Kulankan oo ka dhacay mid ka mid ah hotelada ku yaalla Muqdisho ayaa looga dhawaaqay urur la sheegay in ay ka shaqeyn doonaan nabadeynta gobalada Jubbooyinka.

Daah furka ururka looga dhawaaqay waxaa ka qaybgalay xildhibaanno, siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda gobalada Jubbooyinka.

Waxaa goobta looga dhawaaqayu Ururka Midnimada iyo Nabadeynta ee Gobolada Jubbooyinka, waxaana hoggaamiye loogu doortay Col. Barre Aadan Shire “Barre Hiiraale”, oo ka tirsan Siyaasiyiinta Jubbooyinka, ee sida weyn leh uga soo horjeeda Maamulka Jubba.

Sidoo kale waxaa ku xigeenka koowaad ee ururka loo magacaabay Col. Cabaas Maxamuud Cadow, waxaa kaloo ku-xigeenka labaad ururka loo magacaabay Cumar Buraale Axmed oo horrey u sheegtay in uu yahay madaxweynaha maamulka Jubba ee ka soo horjeestay Axmed Madoobe.

Waxaa goobta laga sheegay in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo tagi doono gobalada Jubbooyinka kaddin loo dhisi doono maamul loo dhan yahay, waxaa kaloo ay cambaareeyeen xasuuq ay sheegeen in lagu hayo dadka rayidka ee ku dhaqan Kismaayo, waxana arrintaas ay ku eedeeyeen maamulka Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn waxa ay baaq u direen dhinacyada ku shiray Muqdisho dowladda Soomaaliya oo heshiis 28kii bishii August sannadkii horre heshiis ku kala saxiiday maamulka KMG ah ee Jubba, heshiiskaas oo ka mid ahaa in la qabto shirar lagu nabadeenaayo dadka ku dhaqan gobalada Jubbooyinka balse ma dhicin ayey yiraahdeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com