25.2 C
Mogadishu
Friday, June 12, 2026

Kadib dhacdadii Mareykanka, Cumar Cartan ma qaadanayaa baasaboor dal kale?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa sheegay in uusan dooneyn inuu qaato baasaboor aan kan Soomaaliya ahayn, isaga oo dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku faanaan dalkooda iyo jinsiyaddooda.

Cartan ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada iyo siyaasiyiinta haysta baasaboorrada dalalka shisheeye ay muhiim tahay inay qiimeeyaan baasaboorka dalkooda hooyo, ayna ka shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa sumcaddiisa iyo awooddiisa.

Garsooraha ayaa xusay in qaadashada baasaboor shisheeye ay inta badan la xiriirto xaalado qaxootinimo, isagoo tilmaamay in qofka fursad u haysta inuu ku noolaado dalkiisa ay habboon tahay inuu ku dheganaado baasaboorkiisa Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale muujiyay rajo ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in dalka uu awood u leeyahay inuu horumar sameeyo haddii dhalinyaradu ay kaalintooda ka qaataan dib u dhiska iyo horumarinta qaranka.

“Baasaboor aan keenna ahayn ma rabno. Dhallinyaradu ma aha inay caadifad qaaddo oo ay yiraahdaan waddanka waan nacnay, kadibna ay qaxootinimada ka door bidaan dalkooda. Qof aan qaxooti ahayn ama aan xaaladdaas soo marin oo baasaboor kale haysta ma jiro,” ayuu yiri Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan.

Hadalka Cartan ayaa kusoo aadaya xilli dunida si weyn looga hadal hayo dhacdadii dhowaan loogu diiday inuu galo dalka Mareykanka, taas oo keentay inuu seego ka qeyb-galka tartanka Koobka Adduunka ee 2026, halkaas oo FIFA ay u soo xulatay inuu garsoore ka noqdo.

Inkasta oo caqabaddaasi soo wajahday, Cartan ayaa ku adkeystay ku dhegganaanshaha baasaboorka Soomaaliya, isaga oo sheegay in xal u raadinta caqabadaha jira ay ka muhiimsan tahay in laga leexdo aqoonsiga iyo jinsiyadda dalka hooyo.

Si kastaba, Garsooraha u dhashay dalka Soomaaliya ee Cumar Cartan ayaa dhawaan dhex-dhexaadin doona ciyaarta weyn ee Super Cup-ka ee dhexmari doonta kooxaha Paris Saint-Germain iyo Aston Villa, sida uu ku dhawaaqay xiriirka ciyaaraha Yurub ee UEFA.

UEFA ayaa muujisay garab istaaggeeda iyadoo u dhiibtay hoggaaminta ciyaar weyn oo dhici doonta bilowga xilli ciyaareedka soo socda. Kadib markii ay dib u soo celiyeen saraakiisha xadka Mareykanka, guddiga maamula kubadda cagta Yurub ayaa xaqiijiyay inuu garsoori doono kulanka Super Cup-ka ee bisha August ka dhici doona magaalada Salzburg.

“Go’aanka Artan loogu magacaabay inuu garsoore ka noqdo ciyaarta Koobka Super Cup-ka ee UEFA ayaa loo qaatay iyadoo la raacayo hannaanka Is-fahamka ee dhowaan ay kala saxiixdeen UEFA iyo CAF si loo dhiiri-geliyo iskaashiga dhinacyo badan, oo ay ku jirto garsooridda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay UEAFA.

Sidoo kale wuxuu yiri: “UEFA iyo CAF waxaa ka go’an ballanqaad wadajir ah oo ku aaddan horumarinta kubbadda cagta ee heer kasta iyo horumarinta qiyaamka asaasiga ah ee midnimada, sinnaanta, iyo takoor-la’aanta.”

- Advertisement -

Read more

Local News