Dhageyso: Wasiirada arrimaha dibeda ururka IGAD oo ku shiraya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyleh, ayaa waxa uu sheegay in shirka 45-aad ee Wasiirada arrimaha dibedda Wadamada Urur Goboleedka IGAD, markaan lagu qaban doono Magaalada Muqdisho.

Wasiirka, ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay ka shaqeysay in Magaalada Muqdisho, ay kulan isugu yimaadaan Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada Urur Goboleedka Igad, si ay isu wareystaan.

Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in kulanka ceynkani oo kala ah oo lagu qabtaa Soomaaliya, aan muddooyinkaanba laga fileynin, laakiin ay noqon doonto mid dhacda, sida uu sheegay.

C/raxmaan Ducaale Beyle wuxuu ka dhawaajiyay in Soomaaliya ay ku taalo meel cajiib ah, balse aynaan sidaasi u ogayn Soomaalida, wuxuuna Soomaaliya ku sheegay mid meelo kala duwan isku xira.

“Afrika iyo Asia ayay isku xidhaa, Afrika iyo Carabta ayay isku xidhaa, Afrika iyo China ayay isku xidhaa, haddii aynaan ogayn, Afrika iyo India ayay isku xidhaa. Waxaa weeyaan Wadan afkoodiina Af Carabi ku hadlaan, Afrikana dhexdeedana ku yaala. Kheyraadkiisu badda dal ugu dheer weeye Afrika.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Isagoo la hadlaayay Radiyaha Dowladda, ayuu sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka dunida ee kuraasta leh Qaramada Midoobe, isla-markaana ay Caalamka muhiim u arkaan ka soo qaybgalka Soomaaliya, shirarka Wadamada Caalamka lagu qabanaayo.

Halkan ka dhageyso Beyleh

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com