SAWIRRO: socdaalkii Xasan Sheekh ee Jowhar, Mahadaay, Xudur iyo Waajid

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay la socdeen Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Aadan Maxamed Nur (Saransoor) iyo Xildhibaano ayaa maanta booqasho ku tegey magaallooyinka Jowhar, Mahadaay, Xudur iyo Bakool oo ka mid ah Gobolladda Shabellaha Dhexe iyo Bakool.

Madaxweynaha ayaa booqashadiisa ku bilaabay Degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, Waxaana garoonka diyaaradaha ee magaaladda Jowhar ku soo dhaweeyey masuuliyiinta Maamulka Degmada Jowhar, kan Gobollka, Siyaasiyiin iyo Qaar ka mid ah Shacabka magaallada Jowhar.

Intaasi ka dib ayaa Madaxweynaha waxa uu u gudbay deegaanka Buurane ee Degmadda Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe. Madaxweynaha ayaa dhagax-dhigay Xarun Jamacadeed oo cusub oo ay Jaamacadda Banaadir dhawaan dhismaheedu bilaabi doonto isaga oo u mahad-celiyey Maamulka Jamaacadda Banaadir.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u dhaqaaqay dhanka Gobollka Bakool gaar ahaan magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka. Waxaa halkaasui ku soo dhaweeyey maamulka Degmada Xudur iyo kan Gobolka Bakool.

Madaxweynaha ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamadda Xooga Dalka oo halkaasu ku sugan iyada oo Madaxweynuhu maamulka ka wareystay xaaladihii ugu dambeyey iyo deeq dhawaan la gaarsiiyey dadka degaanka, wuxuuna Madaxweynahuhu u mahad-celiyey Dowladda Turkiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo deeqda qeyb xoog leh ka qaatay isla-markaana Maamulka Gobolka Bay ku ammaanay sida ay uga shaqeeyeen in deeqdaas magaalada Xudur gaarto.

Madaxweynaha oo meel fagaaraha kula hadlay kumanaan dadweyne ah oo u soo baxay soo dhaweynta ayaa u sheegay marka hore in ujeeddada booqashadiisu tahay u kuur-gelida xaaladda dhabta ah ee dadka gobollka degan. Sidoo kale, wuxuu u sheegay in dadka gobolka Bakool lagu yaqaano dhiiranaan iyo cadow iska celin isaga oo ku ammaanay Dadka Degaanka, Ciidamadda Xoogga Dalka iyo kuwa Itoobiya sida ay uga adkaadeen kooxaha Nabad Diidka ah.

“Magaaladu inay sidan u camirnaato waxaa lagu gaaray dadkeeda adkeesigooda iyo dadnimadooda. Sida la og-yahay dadka reer Xudur waa dad aad geesiyiin u ah oo aan dhaqso baqan dhaqsina rajo dhigin. Sidoo kale, Taliska Ciidamadda Xoogga ayaa warbixin igu siiyey in ciidamadda Xoogga ee halkaan joogana ka mid yihiin kuwa ugu aqlaaqda wanaagsan Ciidankeena” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa yiri.” Maamulka waxa uu Dowladda Dhexe mar walba la soo socodsiiyaa xaalad walba oo idin la soo gudboonaato, waana idinka warqabtaa. Dowladda Federaalka ah wax walba ay kari karto waay idin qaban doontaa. Kaalmo hadda waa idin soo gaartay kuwa ka badanna waa idin soo gaari doonaan dhawaan. Dadka degaankaan degan maahayn kuwa kaalmo u baahan ee kuwa ka maarmo ayey ahaayeen oo wax soo saarta xoolo lahoo dhaqan, daruufaha Nabad Diidku keeneen ayaa sababay Ilaahey Idinkii qof walba isku filnaansho ayuu gaari doonaa magaaladda horumar weyn ayey ku tallaabsan doontaa dhawaan”

Madaxweynaha ayaa si kalsooni leh u gacan qaaday shacabkiisa xaaladoodana ka wareystay, wuxuuna kulan gaar ah xarunta Maamulka Gobolka kula qaatay masuuliyiinta Gobolka waxayna sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay madaxweynihii ugu horeeyey ee booqasho ku yimaada Gobolka tan iyo bur-burkii Dowladdii Dhexe.

Madaxweynaha ayaabooqashadiisa maanta ku soo gaba-gabeeyey magaalada Waajid ee Gobolka Bakool. Waxaa ku soo dhaweyey Maamulka degmadda iyo dadweynaha oo isugu soo baxay fagaaro ku yaala bartamaha magaalada. Madaxweynaha ayaa ka wareystay xaaladooda nololeed. ” Reer Waajid Dowladdiina waa idinka warqabtaa waana idinka warqabi doontaa marar badanna halkaan waan ku soo laaban doonaa” ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa gabal dhicii maanta soo gaba-gabeeyey booqashadiisa ku wajahaneyd u kuur-gelida xaaladda Dadkiisa isaga oo dib ugu soo laabtay caawa fiidkii magaaladda Muqidsho. Waxaana xusud mudan in Madaxweynuhu dhammaan magaalooyinka uu tegay uusan u wadan wax ilaaladiisa gaarka ah taasi oo cadeyneysa kalsoonida Madaxweynuhu ku qabo Shacabkiisa.

IMG 8922
IMG 8927
IMG 9032
IMG 9045
IMG 9095
IMG 9139
IMG 9250
IMG 9282
IMG 9290
IMG 9307
IMG 9328
IMG 9392
IMG 9477
IMG 9505
IMG 9524
IMG 9569
IMG 9605
IMG 9611
IMG 9647
IMG 9657
IMG 9662
IMG 9705
IMG 9722
IMG 9751
IMG 9764
IMG 9770
IMG 9779