Barre Hiiraale oo KISMAAYO dagaal ku ah iyo ciidankiisa oo iminka ku dhow…

Kismaayo (Caasimada Online) – Afhayeenka Korneel Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa saxaafadda u sheegay in ay ku wajahan yihiin magaalada Kismaayo oo uu ka arrimiyo maamulka KMG ah ee Jubba.

Cabdirashiid Macallin Gaas oo ah afhayeenka Barre Hiiraale ayaa sheegay in ciidankooda ay hadda ka ambabxeen Goobweyn kuna sii jeedaan magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in maalmahan soo socda ay la wareegi doonaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Dhinaca kale, afhayeenka ayaa xusay in ciidamo ka soo goostay maamulka KMG ah ee Jubba ay isku soo dhiibeen ciidankooda isla markaana ay hadda ku sugan deeganka Goobweyn.

Si kastaba, magaalada Kismayao waxaa ka dhacay toddobaadkan dagaallo u dhexeeya maleeshiyo beeleedyo kuwaasoo kawada tirsan maamulka Axmed Madoobe.

Mar la weydiiyay in ay jiraan hub dowladda u soo dhiibtay Korneel Barre Hiiraale wuxuu hadalkaas ku tilmaamay mid daacaayad ah isla markaana aaney jirin wax hub ah oo uga yimid dhinaca dowladda Soomaaliya.

Bare Hiiraal ayaa horrey looga saaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose kaddib markii ay ku dagaallameen isaga iyo Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com