BF oo soo dhaweeyay raalli-galinta uu Cabdi Weli ka bixiyey arrintii muranka..

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow kana mid ah guddiyada baarlamaanka ayaa sheegay in uu soo dhaweenaayo hadal uu shaley sheegay ra’iisal wasaaraha xukuumadda kaasoo in iyadoo baarlamaanka loo gudbin heshiiska lala galay shirkadda lagu wareejiyay dekedda weyn ee Muqdisho ay howsha iska billowday.

Xildhibaanka ayaa dhinaca kale, guddiyada uu la kulmay ra’iisal wasaaraha in aysan go’aan kalogood qaadan karin maadama loo baahan yahay in go’aanka ugu dambeeya uu qaato baarlamaanka oo dhan.

Wuxuu sheegay in ra’iisal wasaaraha uu saxan yahay maadama uu lee yahjay annigoo dalka ka maqan ayaa la saxiixay heshiiska shirkadda Al-Beyrak loogu wareejiyay dekedda Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in hadalka ra’iisal wasaaraha uu muujinaayo wadashaqeen la’aan ka dhex jirta xukuumadda.

Hadalka guddoomiye ku xigeenka guddiga ammaanka iyo fedaraalka ee  baarlamaanka ayaa ku soo aadaya iyadoo xildhibannada baarlamaanka ay ka soo horjeesteen heshiiska xukuumadda ay la gashay shirkadda Turkiga laga lee yahay ee lagu wareejiyay dekedda weyn ee Muqdisho.

Lama hubo in hadalka ra’iisal wasaaraha ay ku qancsi doonaan xildhibaannada baarlamaanka iyo in ra’iisal wasaaraha loo yeeri doono.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com