Faarax C/qaadir oo boqorka Sacuudiga gudoonsiiyay warqad ka timid XASAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada Garsoorka iyo Dastuurka Somalia Faarax C/qaadir ayaa waxa uu la kulmay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga, Amiir C/casiis Bin C/llaahi Bin C/casiis.

Wasiir Faarax ayaa la soo warinayaa in halkaasi uu u baqoolay, iyadoona uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga gudoonsiiyay Warqad qoraal ah oo uu u dhiibay Madaxweyne Xassan Sheekh.

Warqada ayaa waxaa la sheegayaa inay ku qorneyd Codsi uu Xassan sheikh ku codsanaayo in Dalka Sacuudiga ay ka qeybqaadato Gargaarka, Siyaasada iyo dhanka doorashada la filaayo in 2016 ay ka dhacdo Somalia.

Sidoo kale, Faaraxa C/qaadir waxa uu Magaalada Jida kullan adag kula qaatay Mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa Dowlada Dalka Sacuudiga, isagoona u sharaxay qaabka ay DFS u dooneyso inay u dhacdo doorashada soo socta iyo kaalinta Sacuudiga kaga aadan.

Dhanka kale, xogta kullanka Labada wasiir ayaa waxaa inoo xaqiijiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Safaarada Somalia ay ku leedahay Dalka Sacuudiga, waxa ayna sheegen in kullanka uu ugu weynaa kaalmo dhanka Bani’aadanimo.

Faah-Faahin dheer lagama sii bixin nuxurka uu xambaarsan yahay qoraalka uu Madaxweynuhu u diray Boqorka dalka Sacuudiga, inkastoo la hadal-hayo inuu qoraalku xambaarsan tahay sidii ay Dowladda Sacuudiga u kordhin lahayd Dhaqaalaha la siinayo Dowladda Federalka si loogu xusul duubto doorashada dhici doonto.

Dhinaca kale, warar ku dhowdhow Madaxtooyadda ayaa waxay sheegayaan in laga yaabo inuu Madaxweynuhu u ambabaxo dalka Sacuudiga, si uu u soo guto Waajibaadka Xajka ee sannadkan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com