Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Mudane Cali Cumar Cali (Balcad) oo la hadlayay warbaahinta caalamiga ah ayaa shaaca ka qaaday in xaalad adag iyo culeys ay wajaheyso Somaliland, kuwaas oo ka dhashay aqoonsiga ay ka heleen Israa’iil.
Cali Balcad ayaa shaaca ka qaaday in culeys xagga amniga ah uu ka jiro gobollada Waqooyi Galbeed, ayna soo korortay xaalad ka dhalatay aqoonsiga, maadaama ay diideen waddamo waa wayn iyo ururro caalami ah.
Wasiirka ayaa si gaar ah carrabka ugu dhuftay kooxda Xuutiyiinta Yemen, oo uu tilmaamay inay joogaan gacanka cadmeed, sidoo kalena la filan karo ururro kale.
“Gobolkii la oran jiray Brithis Somaliland wuxuu ahaa mid deggan, balse markii ay timid ISL waxaa uu wajahayaa culeys amniga ah, maadama dhinacyo diidan ay joogaan Waqooyiga Gacanka Cadmeed sida Xuutiyiinta, ururo kalena waa la filan karaa” ayuu yiri Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo maalmo kahor Somaliland qudheeda ay shaacisay in ay gacanta ku dhigtay hub laga keenay dalal shisheeye, kaas oo la doonayay in lagu dhibaateeyo dadkeeda, sida ay hadalka u dhigtay.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere) ayaa todobaadkii hore sheegay in hubkaas qorshuhu ahaa in lagu kiciyo colaado beeleedyada ka jirta gobollada dhaca galbeedka Somaliland , gaar ahaan Awdal iyo Salal.
Somaliland ayaa haatan ku jirto marxalado xasaasi ah oo ay ugu horreyso qaddiyada aqoonsiga, iyo tallaabooyinkii xigay ee ay qaaday Israa’iil oo dhawaan safiir cusub usoo magacowday Hargeysa, kaas oo ay diiday dowladda Soomaaliya.

