30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Daawo: Mucaaradka oo ku dhaqaaway go’aano xasaasi ah kahor 15-ka May

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka oo maalmahan dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday magaalada Muqdisho ayaa galabta soo saaray go’aanno ku aadan xaaladda dalka, maadaama lagu sii dhawaanayo dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Mucaaradka oo soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob ayaa shaaca ka qaaday in marka la gaaro 15 May 2026 ay Madaxweynaha u aqoonsan doonaan qof shacab ah, uuna lamid noqon doono muwaadiniinta kale.

“Muddo xileedka madaxweynaha JFS wuxuu ku egyahay 15-ka May 2026 wixii maalintaas ka dambeeyo waxaan u aqoonsaneynaa madaxweynaha inuu yahay muwaadin caadi ah oo lamid ah shacabka intiisa kale”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo uu warbaahinta u akhriyay Cabdiraxmaan Caynte.

Sidoo kale, waxaa bayaanka lagu sheegay in mucaaradka iyo dowlad goboleedyada xulufada la ah ee Jubbaland iyo Puntland ay ka shaqeyn doonaan abaabul ka dhan kooxda Madaxtooyada, ayna ka badbaadinayaan dalka.

“Annaga oo kaashaneyno shacabka Soomaaliyeed, dowlad goboleedyada sharciga ah waxaan hormuud u noqon doonaa iska caabin nabadeed abaabul dadweyne, si dalka looga badbaadiyo firaaq dastuuri ah”. ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale, waxay si cad u sheegeen in ay ku dhaqmi doonaan dastuurkii KMG ee horay loogu soo doortay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka, iyaga oo diiday midka cusub ee dhawaan ee ay ansixiyeen labada Gole.

“Waxaan u aqoonsanahay dastuurka kaliya ee sharciyadda leh inuu yahay midkii lagu heshiiyay sanadkii 2012-kii, kaas oo lagu doortay laguna dhaariyay Madaxweynaha iyo labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha kale ee dowladda.” ayay mar kale yirahaadeen mucaaradka dalka.

Ugu dameyn xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in ay doonayaan doorasho guud oo hal mar dalka ka qabsoonta, isla markaana lagu yahay heshiis buuxa, si meesha looga saaro doorashooyin ay ku sheegeen inay yihiin magacaabis.

- Advertisement -

Read more

Local News