Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi (Farmaajo) ayaa xalay magaalada Muqdisho kula shiray qaar kamid ah odayaasha dhaqanka, isaga oo kala hadlay xaaladda dalka.
Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Farmaajo degan yahay ayaa waxaa ka qayb-galay Ugaaska Beesha Murusade, ee dhawaan la caleema saaray, Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi iyo odayaal kale.
Qoraal uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay in odayaasha kala hadlay inay qaataan doorkooda ku aadan badbaadinta dalka, gaar ahaan xallinta xiisadda ka taagan doorashooyinka dalka.
“Farxad ayey ii tahay in aan hoygiisa ku booqdo Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo dhawaan lagu duubay magaalada Muqdisho, anigoo ugu hambalyeeyey hoggaaminta saldanadan faca weyn. Ugaaska oo ay wehelinayeen odeyaal dhaqan iyo waxgarad Soomaaliyeed, waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka, adkaynta midnimada iyo doorka dhaqanku ay kuu leeyihiin samatabixinta iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan marxaladdan adag ee dalku uu ku jiro duruufo siyaasadeed oo halis ah”. ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale waxaa booqashadan qayb ka ahaa Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax, masuuliyiin iyo Xildhibaanno heer Federaal ah.
Maalmihii u dambeeyay odayaasha dhaqanka ayaa kulamo ka waday caasimada, iyaga oo marka hore lasoo fariistay madaxweynaha, kadib la kulmay mucaaradka oo ay kala hadlin dajinta xiisadda ka taagan dalka.
Villa Soomaaliya ayaa weli ku adkeysaneysa doorashooyin toos ah oo qof iyo cod ah, halka mucaaradkana ay soo bandhigi doonaan nooc doorasho kale oo ay rabaan in dalka loo jiheeyo, mana cadda sida ay wax noqon doonaan.
Soomaaliya haatan waxay ku jirtaa xilli xasaasi ah oo kala guur ah, waxaana sidoo kale taagan xaalado bani’aadanimo oo ka dhashay abaaraha ka jira qaybo kamid ah dalka.


