32.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Afhayeenka Lafta-gareen iyo ciidan saaran mootooyin oo lagu arkay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ah Afhayeenka madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta baahiyay muuqaal kooban oo hadal-heyn dhaliyay, kadib markii uu soo geliyay bartiisa gaarka ah ee Facebook.

Muuqaalka oo soconayo 19 second ayaa waxaa kasoo muuqanayo Ugaas Xasan oo ay cimaamad ugu duuban tahay madaxa iyo sidoo kale ciidamo wata mootooyin nooca Fekonta ah, isla markaana jooga dhul miyi ah.

Afhayeenka ayaa muuqaalka uu soo dhigay baraha bulshada ciwaan uga dhigay “Rag tashadey dhul waa toli karaa tako labdii” Wuxuuna muuqaalkan muujinayaa in abaabul ciidan uu ku howlan yahay.

Ma cadda goobta lagu duubay muuqaalka, halka rasmiga ah ee ay joogaan ciidamada uu soo bandhigay Ugaas Xasan, kuwaas oo dood ka dhaliyay baraha bulshada.

Horay afhayeenka oo warsaxaafadeed usoo saaray ayaa shaaca ka qaaday in ay soo celinayaan maamulkii sharciga ahaa si loo helo nidaam iyo kala dambeyn dowladeed.

Shacabka ayuu wargeliyay in maamulkii hore ee Lafta-gareen soo noqonayo, ayna ujeedada tahay in dib loo soo nooleeyo nidaamkii sharciyadda ku dhisnaa, sida uu hadalka u dhigay.

“Si kastaba ha ahaatee, shacabka reer Koonfur Galbeed waa inay ogaadaan in ay socdaan qorshayaal dib loogu soo celinayo hoggaankii sida sharciga iyo dastuurka waafaqsan lagu doortay. Ujeeddadu waa in dib loo soo nooleeyo nidaamkii sharciyadda ku dhisnaa, loona xaqiijiyo in rabitaanka shacabka uu noqdo saldhigga maamulka”. ayuu yiri Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray “Maalintani ma aha oo keliya xusuus taariikheed, balse sidoo kale waa fursad muhiim ah oo shacabka Koonfur Galbeed dib ugu xasuusanayaan qiimaha ay leedahay in ay si madax-bannaan u maamulaan aayahooda siyaasadeed, una ilaashadaan xuquuqdooda dastuuriga ah”.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqan cusub ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ciidamadii daacadda u ahaa Cabdicasiis Lafta-gareen ay joogaan qaybo kamid ah gobolka Gedo, halkaas oo ay ka wadaan abaabul xooggan, iyaga oo horay u diiday in dowladda dhexe ay doorasho hal dhinac ah ka qabato Baydhabo.

- Advertisement -

Read more

Local News