Xog: C/WELIi oo Xasan ugu goodiyay in uu weyn doono wasiirada Dam-Jadiid

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Khilaafka Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare C/weli uu gaaray heerkii ugu sareeyay.

Ilo-wareedka ayaa sheegaya in kullamo shalay ilaa xalay ka dhacay Villa Somalia una dhexeeyay Madaxweyne Xassan, Ra’isulwasaare C/weli xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo Xildhibaanada DFS uu kusoo idlaaya Isfahan waa.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ay ku kala kaceen kulankaasi, iyadoona Ra’isulwasaare C/weli uu Xassan sheikh ugu wacad furtay inuu weyn doono garbihiisa Siyaasadeed oo uu ula jeeday Wasiirada Dam-jadiid.

Ra’isulwasaare C/weli ayaa waxa uu wadaa qorshihii ugu danbeeyay oo uu ku sameynaayo isku shaan-dhey, iyadoona ay arintaasi gadaal ka riixayaan xubno isaga taageersan kana tirsan DF.

Sidoo kale, Xasan Sheekh oo aad uga cabsi qaba in isku shaan-dheynta ay ku baxaan Wasiirada Dam-jadiid, ayaa waxa uu durbadiiba bilaabay inuu arrintaasi kala tashto Wasiiro iyo xildhibaano garbihiisa ah.

Lama Oga halka uu noqon doono biyo dhaca hadalka Ra’isulwasaare C/weli oo wacad ku maray inuu isku shaandheyn ku saari doono Wasiirada xasan taageersan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com