‘’Madaxda DF aad ayay u jilicsan yihiin, sooma dhicin doonaan badda Somalia”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay sii xoogeysaneyso Khilaafka DFS iyo Kenya ee ka dhashay Biyaha Somalia, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Admiral Khaliif Idiris Cismaan oo xiligaani ku sugan magaalada Baladweyne.

Admiral Khaliif, waxa uu sheegay in Kenya ay aqoon u leedahay Jiljileeca Siyaasiyiinta Soomaalida, sidaa darteedna ay ku doodeyso in Biyaha qeybta muranka uu ka taagan yahay ay iyadu ku xalaaleysato, waxa uuna sheegay in Dowlada Kenya ay si sharci darro ah ku boobayso badda Soomaaliya.

Waxa uu Admiral Khaliif xusay in shacabka Soomaaliyeed xiligaani looga baahan yahay inay muujiyaan wadaniyad iyo dhul jacel iyadoo laga dagaalamayo in xuduudaha Soomaaliya ay si qalad ah ugu xad gudbaan dowladaha dariska ah.

Isagoo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ‘’DFS siyaasad iyo Khibrad ayaa lala dheelayaa ma u maleynaayo inay iska cabin karto doodaha kaga imaankara Dowlada Kenya, sidaa awgeed waxan ku talin lahaa in arrintaani ay u taallo shacabka soomaaliyeed’’

Sidoo kale, Admiral Khaliif waxa uu Dowlada Federaalka ah ee Somalia uu ugu baaqay inay ka toosto hurdada ay ku jirto, waxa uuna ku guubaabiyay inay arrintaasi ay u adeegsato Khubaro ku xeel-dheer Arrimaha Badda Somalia.

Dhanka kale, waxa uu walaac ka muujiyay qaabka ay Dowlada Kenya ay u diyaarineyso dacwadaha ay ku xalaaleysan laheyd Biyaha Somalia iyo sida ay DFS u muujineyso jiifka iyo jilicsanaanta.

Haddalka Admiral Khaliif, ayaa waxa uu imaanayaa xili Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay inay qoraal dacad ah u gudbisay maxkamada cadaalada caalamiga ee ICJ taas oo ay ku eedeysay Kenya in ay ku soo xad gudbeyso badda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com