Lacag miiska u saaran madaxda DF oo loolan ka dhex dhalisay Xasan & C/weli iyo safar u bixitaankiisa la isku haysto

Riyadh (Caasimada Online) – Socdaal ay dowladda Sucuudiga qorsheysay inay madaxda dowladda Soomaaliya ku tagaan dalkaas, ayaa is qab-qabsi ka dhex abuuray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli, sida ay xubno ku dhow Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online.

Labada mas’uul, ayaa midba goonidiis u doonayey inuu u baxo dalka Sacuudiga, oo madaxda dalkaas ay ku casuumtay madaxda Soomaalida. Loolanka ayaa ku saleysan lacagta la filayo in dowladda Sucuudiga ugu deeqdo Soomaaliya, oo Xasan iyo Cabdi Weli ay labadaba doonayaan inay gacanta ku dhigaan.

Sacuudiga, ayaa ah dalka kaliya ee inta badan lacag kaash ah ama caddaan gacanta u galiya madaxda Soomaalida, taasi oo ay si fudud ku qaadaan karaan, ayada oo aanay cidna kula xisaabtamin ama ogaan, halka dalalka Yurubta ay lacagta ku bixiyaan barnaamijyo, oo aanay toos u siin madaxda Soomaalida.

Sida la xusuusto, lacagta Sacuudiga waa tii isku dirta madaxweynihii hore ee Soomaaliya AUN Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geedi, kadib markii Geedi uu diiday inuu Cabdllahi Yuusuf wax ka siiyo 5 milyan oo dollar oo kaash ahayd oo uu Sucuudiga kasoo qaatay.

Si kastaba, loolanka safarka ayaa waxaa ay u muuqataa in iminka uu ku guuleystay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wararka sheegayaan in socdaalka u bixi doono, sidoo kalena uu soo xajin doono.

Waxaa iminka dalk Sacuudiga ku sgan wasiirka dastuurka iyo garsoorka Faarax C/Qaadir, oo Sacuudiga ka dhaadhiciyey in madaxweynaha iman doono Sacuudiga.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga, Amiir C/casiis Bin C/llaahi Bin C/casiis waxa uu magaalladda Jidda kula kulmay Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka ee dalka Somalia, Faarax C/qaadir Mohamed.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga “SPA” oo aan warkan ka soo xiganay ayaa sheegtay inuu Wasiirka u gudbiyey Dowladda Sacuudiga Farriin Qoraal oo uu Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud u diray Boqorka dalka Sacuudiga, Cabdalla Bin C/casiis Al-sacuud.

Inkasta oo Cabdi Weli, uu saaxiib dhow la yahay dalalka deriska iyo UN-ka, waxaa muuqata in dhinaca Carabta uu madaxweyne Xasan xiriir dhow la lee yahay, taasi oo ay ugu wacan tahay Faarax C/Qaadir oo Carabta ku xirnaa inta uusan siyaasadda kusoo biirn.

Lacagta Caddaanka ah ee Sacuudiga laga soo qaadi doono ayaa la filayaa inay wax weyn ka beddesho loolaanka siyaasadeed ee labada hoggaamiye, ayada kooxda Xasan ay awood u yeelan doonto inay bixiyaan lacag badan, oo aan ka iman qasnadda dowladda.

Dhaqanka madaxda Soomaalida, ayaa weli ah mid sidii lagu yaqaan aan iska beddelin, kuna saleysayn lacag kala boob iyo is qab-qabsi.

Caasimada Online

Xafiiska muqdisho

Caasimada@live.com