‘’XASAN waxa uu dunida u gudbinayaa arrimo aan jirin’’ Sidaa waxaa yiri…

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxammuud Siilaanyo ayaa ku eedeeyay dowladda fedaraalka Soomaaliya in ay ku xad gubeyso heshiiska u yaalla labada dhinac iyo in ay ka war wareegeyso in ay soo fadhiisato miiska wadahadalka si loo kala baxo.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlaayay munaasabad ay ku qallin jabinayeen 793 arday oo dhameestay waxbarashadda koobaad ee Jaamacadda Hargeysa ayaa naqdiyay khudbad uu ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud shirkii guud ee golaha ammaanka Qarmada Midoobay ee New York.

Siilaanyo ayaa ku celceliyay in madax banaaninada Somaliland ay tahay mid muqadas ah oo biyo kama dhibcaan ah isla markaana aaney diyaar u ahayn in la soo celiyo midnimadii Soomaaliweyn.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa u sheegay madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisa in ay iska deyso wararka iyo riyada beenta ah ee caalamku u sheegeyso taasoo ah in markale la soo celinaayo midnimada Soomaaliya.

“Waxay dowladda Soomaaliya u muuqaataa in ay jabineyso heshiiska noo yaalla iyo in ay ka warwareegeyso in ay soo fadhiisato miiska wadahadalka, yaaney la isku daalin in la soo celiyo arrin horey u fashilantay” ayuu yiri Siilaanyo.

‘’Xassan Sheekh waxa uu dunidda u gudbinaya warar khaldan iyo midnimo aan jirin’’ ayuu yiri Siilaanyo.

Waxa uu sheegay in dhowr jeer ay miis la fadhiisteen DF, balse aysan u muuqan kuwa daneynaaya Siyaasadaha Maamulka Somaliland, sidaa Awgeedna ay xiligaani kasoo horjeedan Midowga labada dhigac ee Dowlada iyo Gobolka Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu Tilmaamay Siilaanyo in Maamulkiisa uu horay usoo tijaabiyay midnimada, balse aysan noqon rajadii ay ka lahaayen, haddana aysan u jajabneyn midnimo dambe oo Somali weyn isugu imaada.

Madaxweynaha Somaliland ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay ka waraaqsadaan horrumarka iyo nabad galyada ka jirta Somaliland isla markaana ay ku caawiyaan siddii ay horrumar u gaari lahaayeen.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa tilmaamay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay dhiig u hurto cid kasta oo ku soo xad gudubta dhulkeeda, badeeda iyo cirkeeda isla markaana aaney diyaar u ahayn in Soomaaliya markale dib ula midowdo sida uu yiri.

“Waxaanu ku baaqeenaa si aanu ukala baxno, in ay soo fadhiistaan miiska wadahadalka” ayuu yiri Siilaanyo.

Hadalka Madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli dhowr jeer ay dib u dhaceen wadahadallada u socda dowladda fedaraalka iyo Somaliland oo hadda mudda qaatay waqtigii lagu ballamay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com