25.7 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

“Xildhibaanada taagersan Xasan waxay iibsadeen dalka iyo dad” Waxaa yiri…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabdifataax Nuur Mataan oo kamid ah Xildhibaanada DF Somalia, ayaa sheegay in Khilaafka Xassan iyo C/weli uu kala jabshay Xildhibaanada BF Somalia.

Waxa uu sheegay in Labada Mas’uul uu midba wato Taageero, balse kuwa taageersan Madaxweyne Xassan ayuu ku Tilmaamay inay yihiin kuwa Madaxweynaha ka qaatay Laaluush si ay uga xagliyaan, Sida uu Xildhibaanka hadalka u dhigay.

”Waxaa nasiib daro ah in Xildhibaanadii u dhaartay dalka ay Codkooda ku bixiyaan Laaluush, waxan u sheegeynaa Xildhibaanada taageersan in la gudbiyo Mooshinka in taasi aysan u suuragali doonin, anagu idinkama liidano oo tiro ahaan waxan gaareynaa 130 xildhibaan, waxaana ka soo horjeednaa in baarlamaanka la keeno mooshin sharci daro ah”.

Xildhibaan Cabdifataax Nuur Mataan oo hadalkiisa intaa kasii ambaqaadayo ayaa waxa uu yiri “Anaga sharci ayaan ku taaganahay, xukuumadana shaqadii loo igmaday waa ay qabatay ma garaneyno haddii laga soo horjeedo waxqabadka R/W C/weli”.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdifataax Nuur Mataan waxa uu meesha ka saaray in Khilaafka Labada Mas’uul uu ka dhashay Qodobo lala baalmaray Dastuurka, waxa uuna qaladka oo idil dusha u saaray Madaxweyne Xassan oo uu ku tilmaamay inuu yahay shaqsi faragalin adag ku haya Xafiisyada aan isaga Khuseyn, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, Waxa uu ka digay in Xildhibaanada taageersan Xassan Sheekh ay ku tuntaan Dastuurka iyaga oo u xaglinaaya shaqsi, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News