Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxay kulan ku yeelan doonaan xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, kaa oo la filaayo in xildhibaanada loogu qeybiyo mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.
Amaanka xarunta baarlamaanka iyo wadooyinka hormara ayaa aad loo adkeeyay waxaana la dhigay ciidamo badan oo ka tirsan booliska iyo nabad sugida, si amaanka loo xaqiijiyo, loogana hortago in la carqaladeeyo kullanka.
Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay buuq ka kiciyaan xarunta golaha shacabka xili la doonayay in laga dodo mooshinkii laga gudbiyay ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa u sheegay Warbaahinta, in xildhibaanada maanta ay isku imaan doonaan, ajandaha ugu weyn uu yahay qeybinta Mooshinka Ra’iisul wasaaraha dalka laga keenay.
Waxaa halkaasi laga celinayaa gaadiidka dadweynaha, waxaana ciidamada ay yihiin kuwo fasaxaya oo kaliya gaadiidka dowladda.
Dhawaan ayaa xildhibaanada kulan ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka, waxa uu noqday mid fashil kusoo dhamaaday ka dib markii xildhibaano diidan mooshinka laga keenay Ra’iisul wasaaraha ay halkaasi buuq ka sameeyeen.
Khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha dalka Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sababay inay kala qisaabsamaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayna kala taageeraan dhinacyada uu khilaafka u dhaxeeya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

