32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Dowladda Maraykanka oo ku hanjabtay inay dhaqaalaha ka jari doonto DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington DC (Caasimada Online) – Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowladda Maraykanka ay ku goodinayso inay jari doonto dhaqaalaha ugu badan ee ay Dowladda Federalka ku taageerto, sababo la xiriira khilaafka madaxda Somalia u dhexeeya.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Somalia oo aan fasax u haysnin inuu la hadlo warbaahinta, ayaa si hoose ugu sheegay Wakaalladda Wararka Maraykanka ee Associated Press “AP” inuu mas’uulka ugu sarreeya ergadda Maraykanka ee u qaabilsan arrimaha dalka Somalia dhawaan ku hanjabay in la jari doono kaalmooyinka USA ay siiso Soomaaliya, haddii aysan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraaha is-khilaafsan bilaabin inay si wadajir ah u shaqeeyaan.

Wakiilka u qaabilsan dowlada Mareykanka arrimaha Somalia James P. McAnulty ayaa ku cabsi galiyey madaxda dowlada Federaalka in dowladiisu jareyso tageerada dhaqaale hadii aysan dhameyn khilaafka u dhexeeya, kadib markii uu soo dhamaadey kulan uu kula qaatey garoonka diyaardaha ee Aadan Cadde Asbucii lasoo dhaafey.

Dowladda Maraykanka waxay toddobaadkii hore soo saareen war qoraal oo ay ku muujiyeen inay ka walaacsan yihiin khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraaha Somalia oo gaaray heerka ugu xumaa.

Waxay kaloo Dowladda Maraykanka sheegtay inay qaadaceen shirweynaha caalamiga ee hiigsiga cusub ee Somalia oo lagu wado inuu 19-ka bishan ka furmo caasimadda dalka Denmark ee Copenhagen.

Dowladda Mareykanka waxa ay ku adkeysatay inay dhex-dhexaad ka tahay, oo aysanna dhinacna la jirin marka ay timaado khilaafka Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli.

Mareykanka ayaa sanadkii la soo dhaafey dowlada Federaalka siiyey tageero dhaqaale oo gaaraya $58 million halka $271million u siisyey hub ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM.

Xigasho: AP

- Advertisement -

Read more

Local News