25 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

VIDEO: Xasan Sheekh oo xaalka dalka ka hadlay tan iyo billowgii khilaafka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu shacabka u jeediyey uga hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan marxaladaha dalku ka soo gudbay, xaalada hadda uu ku sagan yahay iyo hiigsiga sanadka 2016.

Madaxweynaha oo hadal Muuqaal Video ah gelinkii dambe ee maanta jeediyey, lagana baahiyey Idaacadda iyo Telefishinka Qaranka, ayaa waxa uu kaga hadlay Qorshaha Dowladda ee Hiigsiga 2016, Isku-dhafka Ciiddamadda Qaranka iyo Buuqii dhawaan ka dhashay Kulankii Xildhibaanadda ee fowdada ku dhamaaday.

Madaxweynaha waxa uu tilmaamay inay Dowladiisa ka go’an tahay meelmarinta Hiigsiga cusub ee 2016, inay dhacdo Doorasho Dimuqraadi ah, in la helo Dstuur Dhamaystiran oo Joogto ah iyo in la hirgeliyo Nidaamka Dimuqraadiyadda iyo Is-maamul-gobaleedyadda.

Mar uu ka hadlayey buuqii Barlamaanka Federalka ee fowdada ku dhamaaday, waxa uu tilmaamay inay taasi muujinayso inay Diquraadiyadda dhismayso.

Wuxuuna ku baaqay inaan lagu mashquulin waxa shalay dhacay ee lagu dadaalo Danaha Qaranka.

Madaxweynuhu kama hadlin khilaafka isaga iyo Ra’isul-wasaaraha, laakiinse waxa uu si guud uga hadlay inaysan Somalia marnaba ka socon karin Keli-Talisnimo.

“Rabitaanka Dadweynaha Somalia marna ma oggolaan doonaan Keli-talisnimo ka hanaqaada Somalia, Marnaba la oggolaan mayo Keli-talisnimo dad gaar, gobal gaar si ay Talada dalka ugu maamulaan” ayuu yiri Madaxweynaha oo sheegay in laga soo gudbay Cahdigii Keli-talisnimadda “dictatorship”.

Khudadda Muuqaalka ee Madaxweynaha oo socotay ilaa 8 daqiiqo, waxa uu si gaar ah ugu dheeraaday Arrimaha Ciiddamadda Qaranka, waxaana uu sheegay inuu Shaqsi ahaan iyo Dowlad ahaan u ololeyn doono sidii Ciiddamadda Qaranka la isugu dhafi lahaa, isla markaana ay Ciiddamadda uga dhex muuqan lahaayeen Soomaalida oo dhan.

“Waxaan ballanqaadayaa inaan xoog, caqli iyo waqti isugu geeyo sidii loo mideyn lahaa Ciiddamadda Qaranka, min Unug ilaa iyo Horrin” ayuu Madaxweynaha si gaar ah wacad ugu maray.

Hadalka Madaxweynaha ayaa u muuqda mid uu boorka kaga jafay inay Dowladiisa ka go’an tahay Hirgelinta Qorshaha Hiigsiga cusub ee sannadka 2016, walow uusan ka hadlin Khilaafka shaac-baxay ee kala dhexeeya Ra’isul-wasaaraha iyo Baaqyadda Dowladaha taageera Dowladda Federalka ku codsanayaan in la xaliyo khilaafkaasi.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay muhiimadda ugu jirta dalka iyo dadka hiigsiga 2016, oo uu sheegay in muhiim uu u yahay dalka, islamarkaana uu u horseedayo horumaro kale duwan oo dhinac waliba leh.

Waxa kale oo uu sheegay in dadka Soomaaliyeed inaanay niyad jebin hadii ay la kulmaan dhacdooyin mararka qaar dhaca, sida khilaafka iminka ka dhex taagan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Dhisida maamulada Koonfur Galbeed iyo gobolada dhexe ayuu madaxweynuhu soo hadal qaaday iyo qorshaha ay dowladdu ka damacsan tahay xiligan, oo uu sheegay in ay doonayaan in dalka laga hirgaliyo Federaalka, si caddaalad ah.

Ciidamada qalabka sida oo ah awooda dowlada ayuu madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud sheegay in uu socdo tababaro lagu horumarinayo ciidamada, ayna ku tilaabsanayaan horumaro ayna keeneen guul waaweyn oo la taaban karo.

Hadalka madaxweynaha ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee uu shacabka u jeediyo tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka u dhexeeysa isaga iyo ra’iisalwasaare Cabdiweli

Halkan ka daawo Xasan

- Advertisement -

Read more

Local News