28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

XOG: R/W Cabdi Weli uu abaal-mariyey xildhibaannadii arbushay kullamdii BF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan baarlamaka Soomaaliya  ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in C/weli uu Xildhibaanada garabkiisa ku abaal mariyey lacag, kadib markii ay mar kale arbusheen kullankii baarlamanka.

Abaal marinta Cabdi Weli uu siiyey xildhibaanada ayaa qeyb ka ah heshiis horey u dhex maraya labada dhinac, oo uu Cabdi Weli ugu ballan qaaday abaal marin mar kasta oo ay fashiliyaan kullanka baarlamanka

Ilo-wareedyo xog ogaal ah ayaa sheegaya in marka uu abaal-marintaasi bixiyay kadib u sameeyay balan-qaadyo kale, oo uu mar kale lacag ku siin doono, haddii ay fashiliyaan kullmada kale ee baarlamanka, haddii la hor keeno mooshin.

Mas’uulka aan xogtu ka helnay ma uusan sheegin qiimaha uu R/W C/weli abaal-marinta dhaqaale ahaan usiiyay Xildhibaanadii is hortaagay Mooshinka.

Xildhibaanada taageersan ra’iisul wasaare Cabdi Weli ayaa saddex goor fashiliyey kullamadii baaarlamanka ee mooshinka looga keenay Cabdi Weli, kadib markii ay buuq iyo fowdo ka kiciyeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News