28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Maxaadan ogeyn xarunta Villa Somalia ka dhacay xalay (Qorsheyaal cusub)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mashquul tiro badan laga dareemayay 24kii saac ee ugu dambeeyay madaxtooyada Somalia gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha Somalia.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu shir albaabada uxiran Habeenimadii xalay la qaatay xildhibaanada taagersan mooshinka.

Waxaa shalay fashil kusoo gabagaboway kulankii baarlamaanka ay shalay ku yesheen magaalada Muqdisho oo uu Ujeedkiisu ahaa in lagu laado Xukuumada Somalia.

Waxaa isbadalay jawiga Muqdisho kadib markii uu fashilmay kulankii Seddexaad ee mooshinka kadhanka ahaa R/wasaare C/wali Sheikh Axmed.

Madaxweynaha ayaa xildhibaanadiisa kala hadlay fashilkii ku imaaday shirkii shalay oo lafilaayay in mooshinkii kadhanka ahaa R/wasaare C/Wali lagu meel mariyo.

Waxa uu madaxweynaha gaashaanka ku dhuftay inay aqbalayaan go’ aanadii kasoo baxay guddoonka baarlamaanka kasoo ahaa in muddo 5 maalmood ah lagu kordhiyay si xildhibaanada ay ugu soo akhristaan waraakhadihii mooshinka.

Dhanka kale, xildhibaanada taageersan madaxweynaha ayaa lagu qiyaasaa in ay gaareen xadkii lagu ridi laha xukuumada uu talada uhaayo C/wali Sheikh Axmed.

Lama ogo sida uu noqon doono kulanka kan xigi doono, Inkastoo Xildhibaanada R/W C/weli ay weli u tafa xeydanayaan Buuq.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News