28.1 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Waxaa la dilay Soomaali oo ka barbar dagaalamaayay mintidiinta Yemen

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Caalmaka ayaa baahiyay Sargaal ka tirsanaa Mintidiinta Yemen Asal ahaana kasoo Jeeda dalka Somalia oo lagu dilay Yemen.

Sargaalkaani ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Abuu Bakar Al-Somali, waxa uuna in muddo ah ka barbar dagaalamaayay Alqaa’idada Dalkaasi Yeman.

Warbaahinta ayaa sidoo kale, sheegtay in Sargaalkaasi lagu dilay Dagaal ka dhacay Dalka Yemen kaasi oo dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Al-Qa’idada Dalkaasi ka Dagaalanta.

Sidoo kale, Telefeshinada Caalamka ayaa soo bandhigay Muuqaal laga soo duubay qaabka Sargaalka loo dilay,waxaana la sheegayaa in uu Sanado ka hor ku biiray Al-qaa’idada Dalka Yemen.

Abuu Bakar Al-Somali ayaa ku Dhintay Dagaal Kooxda Aqab ee Xariirka la leh Al-qaa’ida islamarkaana ka dagaalanta Yemen ay ku qaadeen Saldhig Ciidan oo ay ku sugnaayen Ciidamada Militeriga kaasi oo ku yiilay Xadka dalkaasi.

Dhanka kale, dilka Sargaalkaani ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo Dowlada Yemen ay shaacisay in Soomaali badan ay ka barbar dagaalamayaan Falaagada Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News