32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xildhibaanada diidan mooshinka oo 2 jibaarmay (Aqriso tirada & magacyada)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee kasoo horjeeda mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Cabdi Weli, ayaa laba jibaarmay sida ku cad warqad gaar ah oo ay xildhibaanadaas soo gaarsiiyeen Caasimada Online.

Warqadda soo gaartay Caasimada Online ayaa waxaa qoran 117 xildhibaan, oo  saxiixay magacyadooda marka laga reebo 19 aan saxiixin, taasi oo ah laba jibaar tiradii horey loo rumeysnaa inay xildhibaanadaas yihiin oo ahayd inta u dhaxeysa 50 illaa 60.

Si kastaba, xildhibaanada mooshinka wada ayaa iyaguna sheegta inay yihiin 181 xildhibaan, taasi oo marka la isku daro ka dhigeysa tirada xildhibaanada 298 oo ka badan tirada guud ee baarlamanka oo ah 275, ayna caddahay in wax qaldan yihiin.

Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa tirada, magacyada iyo saxiixa xildhibaanada mooshinka diidan.

laba j 2
laba j 3laba j 4

- Advertisement -

Read more

Local News