Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta martigelisay munaasabad lagu saxiixayay qandaraas-bixinta waddada Gaalkacyo–Hobyo, gaar ahaan qaybta Gaalkacyo–Ceelguula oo dhererkeedu yahay 100 kiiloomitir.
Munaasabadda oo ka dhacday xarunta wasaaradda ayaa waxaa shir-guddoomiyay wasiirka hawlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyeynta ee dowladda Soomaaliya, Ayuub Ismaaciil Yuusuf. Waxaa sidoo kale ka qayb-galay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Wasiirka Hawlaha Guud ee Galmudug, Agaasimaha Guud ee IBS Bank, wakiillo ka socday GOB Community Organisation iyo mas’uuliyiinta shirkadda KKATT Consult Limited.
Waddada Gaalkacyo–Hobyo ayaa muddo dheer loo aqoonsanaa mid ka mid ah kaabeyaasha ugu muhiimsan uguna istiraatiijisan ee bartamaha Soomaaliya, maadaama ay isku xirto deegaannada gudaha dalka iyo dekedaha ku yaalla xeebaha Badweynta Hindiya.
Muddo sanado ah, bulshada deegaanka, ganacsatada, qurbo-joogta iyo maamullada kala duwan ayaa dadaal joogto ah ku bixiyay hirgelinta mashruucan, iyagoo u arkayay mid muhiim u ah kobcinta ganacsiga, fududeynta isu-socodka, xoojinta amniga iyo kor u qaadista isdhexgalka dhaqaalaha dalka.
Bilowga daraasadaynta iyo naqshadaynta qaybta 100-ka kiiloomitir ee Gaalkacyo–Ceelguula ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo saldhig u noqon doonta hirgelinta iyo dhismaha guud ahaan waddada Gaalkacyo–Hobyo oo dhererkeedu dhan yahay 260 kiiloomitir.
Wasiirka Hawlaha Guud, Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa sheegay in mashruucani yahay mid muhiimad gaar ah u leh horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, isaga oo ammaanay dadaalka ay muujiyeen GOB Community Organisation iyo dhammaan dhinacyada ka shaqeeyay hirgelinta mashruuca.
Wasiirku wuxuu xusay kaalinta muuqata ee bulshada iyo daneeyayaasha kala duwan ay ka qaateen abaabulka taageerada mashruuca, wuxuuna adkeeyay sida ay dowladda uga go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso maamulka Galmudug, bah-wadaagta horumarinta, ganacsatada gaarka loo leeyahay iyo bulshada deegaanka si loo dardargeliyo maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.
Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa bogaadiyay dadaalka Wasaaradda Hawlaha Guud ee ku aaddan hirgelinta mashruucan, isaga oo si gaar ah u xusay doorka wasiirka hawlaha guud ee dardargelinta geeddi-socodka mashruuca iyo gaarsiintiisa heerka saxiixa qandaraaska.
Qandaraaska maanta la saxiixay ayaa shirkadda KKATT Consult Limited u xil-saaraya fulinta daraasaadka farsamo, naqshadaynta hordhaca ah iyo tan faahfaahsan, qiimeynta saameynta deegaanka iyo bulshada, iyo diyaarinta dukumentiyada qandaraas-bixinta ee qaybta Gaalkacyo–Ceelguula.
Mashruucan ayaa qayb ka ah barnaamijka Horumarinta Kaabeyaasha Waddooyinka Soomaaliya (RIPSOM), kaas oo ay maalgelinayaan Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) iyo Midowga Yurub (EU), halka ay fulinayso Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.











