24.2 C
Mogadishu
Wednesday, July 30, 2025

R/W FARMAAJO oo beeniyey warar ay maanta ka faafiyeen website-yada qaar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

New York (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa beeniyey warar ay maanta qoreen qaar ka mid ah website-yada Soomaalida, oo sida la sheegay laga soo xigtay barta Facebook.

Wararkaas ayaa waxaa loo dhigay in Mudane Farmaajo uu ka hadlay khilaafka ka dhex oogan madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Si kastaba, Farmaajo oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in warkaasi yahay mid aan sax ahayn, islamarkaana isaga uu marnaba ka hadal khilaafka ka dhaxeeya madaxda Soomalida.

Waxa uu sheegay inay jiraan bogag badan oo Facebook ah oo magaciisa lagu sameystay, kuwaasi oo uu sheegay in lagu qoro hadallo aan isaga ka iman oo been abuur ah, sidaa darteedna ay xigtaan website-yada qaar, ayaga oo aan wax hubsan.

Farmaajo waxa uu shacabka Soomaaliyeed ku war-gelinayaa in bartiisa facebook ee saxda ah, oo ay kala socon karaan ay tahay middan:-

https://www.facebook.com/pages/Mohamed-abdullahi-farmaajo/118600454987747

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News