Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in mooshinka laga keenay Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh Axmed uu yahay mid khaldan oo dalka aan wanaag ku kordhineyn.
Gaas ayaa hadalkaan ka sheegay maanta shir Saxaafadeed uu ku qabtay aqalka Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso xili maanta uu socdaal shaqo kusoo gaaray magaaladda Boosaaso.
“Anagu aragtidayada ku saabsan arrinta iyada ah waan dhiibanay, War Saxaafadeedkii u danbeeyey ayaanu ku dhiibanay ,anagoo u arkeynay saacadan iyo wakhtigan ineysan munsaadib ahayn in mooshin la keeno ka dhan ah Raysal wasaraaha”ayuu yiri.
Gaas ayaa hadalkiisa sii daba dhigay in loo baahanyahay marka mooshin la keenayo Gollaha baarlamaanka Soomaaliya in uu yahay mooshin saxan oo dalka ku kordhinaya wanaag.
“Mooshin marka la keeneyaa dabcan waa in uu yahay mooshin sax ah waangna ku kordhinaya dalka” ayuu yiri.
Sidoo kale,wuxuu xusay in aragti ahaan Puntland u aragto in mooshinka dib looga fiirsado, islamarkaana Madaxweynaha iyo Raysalwasaruhu khilaafkooda ku dhameystaan is-afgarad.
“Barnaamijkaas waxaan u aragnaa in dib looga fiirsado lagana wadahadlo dhibta jirta Is-afgaranshawaaga jira,madaxda u sarreysa dalkuna ay kawada hadlaan arrintan”ayuu yiri.
Gaas ayaa ka digay in khilaafku madaxdu joojinayo hiigsiga 2016 isagoona sheegay in Saacadii Soomaali ka khasaartaba ay Soomaali ka khasaartay.
Halkan ka daawo Cabdi Weli Gaas

