Dhageyso: Ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh oo is-casilaad laga dalbaday !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada ku guul dareystay mooshin inay ku ridaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa xilligaan ugu baaqay inuu is-casilo.

Waxaa ay ugu baaqen inuu xilka ka dego ra’iisul wasaaraha maalinta Axadda ah ka hor, taasoo ay sheegeen inay tahay midda keliya ee soo afjari karta khilaafka taagan.

Xildhibaannada waxaa ay ka hadleen go’aankii guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ay ku joojiyay mooshinka iyo xildhibaannada fowdada ka sameeyay dhismaha xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale,mudanayaasha baarlamaanka ee ka soo horjeeda xukuumadda uu hoggaamiyo ra’isul wasaaraha waxaa ay sheegen inaysan ogolaan karin in xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan ay xadugudbyo kala duwan ka geystaan gudaha baarlamaanka, maadaama ay yihiin xubno loo idmaday inay ilaaliyaan sharciga dalka.

“Xildhibaanno tiro yar inay fowdo ka sameeyaan kulammada baarlamaanka ma ahan mid la ogolaan karin, sidoo kalena waa wax nasiib-darro ah inay xildhibaanno loo idmaday fowdo iyo qas ka sameeyaan baarlamaanka sida inay jeex-jeexaan buuggii xaadirinta xildhibaannada,” ayuu yiri xildhibaan Cismaan Xaaji Cali oo warbaahinta u akhrinayay qodobbadii ay soo saareen.

Xubnaha xildhibaannada ah waxaa ay kulankooda ku sheegen inuu ra’iisul wasaaraha xilka iska-casilo, maadaama uu lumiyay kalsoonida baarlamaanka Soomaaliya oo markii horeba kalsoonida siiyay.

Xildhibaannada waxaa kalo ay ra’iisul wasaaraha ku eedeeyeen inuu si kale u turjumay war-murtiyedkii kasoo baxay guddoona sare ee golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Hoos ka dhagayso hadalka xildhibaannada

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com