25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

XOG: Warqad digniina oo la gaarsiiyey Xasan Sh loona qabtay laba toddobaad

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog hoose oo aan ka helnay Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegeysa in Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Somalia Ambassador Nicholas Kay uu Warqad ku saabsan Arrimaha Khilaafka gaarsiiyay Xafiiska Xassan Sheekh.

Xogta ayaa tibaaxeysa in warqadaasi ay kasoo baxday Madaxda iyo wakiilada dalalka beesha caalamka, taasi oo lagu soo qoray Digniino ku wajahnaa Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka.

Warqada oo la sheegay inay ka koobneyd ilaa Laba bog, ayaa waxaa Xasan iyo C/weli looga digay in Khilaafkooda uu dalka Somalia dib ugu celsho dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale, warqada ayaa waxaa la tilmaamayaa in Khilaafka Xasan iyo C/weli ay QM faragalin Siyaasadeed ku sameyn doonto waa haddii aan xal degdeg ah laga gaarin Khilaafka lidka ku ah Hiigsiga 2016-ka ee Somalia.

Dhanka kale, QM ayaa waxaa lagu wadaa inay ka jawaabi doonto Arrimaha la xiriira Khilaafka oo ay Labada Mas’uul isku fiirsanayaan, waxaana la soo warinayaa in muddo Laba asbuuc ah Xasan iyo C/weli la siiyay inay ku xaliyaan Khilaafkooda.

Lama Oga qaabka ay QM xalka uga gaari doonto Khilaafka baahay ee labada Mas’uul u dhexeeyo, iyadoona maalmaha soo socda la filaayo inuu dhaco heshiis dhexmara Xasan iyo C/weli ama ay dhacdo faragalin Siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News