26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Seefta C/Weli Gaas oo saaran wasiir iyo xubno ka tirsan hay’adaha ammaanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareed ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu wado qorsho uu Isbedel ku sameynaayo golayaasha.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in Qorshahaani uu yahay mid hirgalintiisa uu billaaban doono bilowga sannadka cusub oo ay muddo yar ka harsan tahay.

Isbedelka ayaa waxa uu xoogiisu saameyn doona sida ay Xogtu sheegeyso Madaxda Hay’adaha Maamulka, iyadoona la filaayo in qaarkood ay xilkooda weyn doonaan, halka kuwa kalane loo wareejin doono Xafiisyo kale.

Golaha wasiirrada Maamulka ayaa la sheegay in waxbadan laga badali doono,iyadoo wajiyo cusub lugu dhex arki doono wasiirrada Puntland sannadka cusub.

Sidoo kale, waxaa hadda socdo La-tashiyo uu Madaxweyne Gaas la sameynaayo La taliyayaashiisa.
Dhanka kale, waxaa Madaxtooyada Puntland xiligaani ka socdo dhaq dhaqaaq arrintaasi la xiriirta inkastoo aan weli la helin Tashkiilada Cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News