Muqdishi (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda Xarunta Baarlamaanka DF Somalia uu gaari doono R/W C/weli Sheekh Axmed, iyadoona ay xubnaha BF ka doodi doonaan mooshinka ka dhanka ah xukuumada.
R/W C/weli ayaa la filayaa in waxbadan laga weydiin doono Arrimaha la xiriira Mooshinka, isagoona looga fadhiyo inuu iska difaaco xildhibaanada maanta u balansan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa maalintii talaadada ka hor sheegay xildhibaanada Baarlamaanka in ra’iisal wasaaraha hor yimaado isna difaaco,waxaase xusuus mudan in ra’iisal wasaarihii ka horeeyay Ee Saacid aan firsadaan loo ogolaan.
Sidoo kale, Khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Xassan iyo R/W C/weli Sheekh ayaa cirka isku sii shareeraya,wixii ka danbeeyay mudo bil laga joogo oo khilaafkaan uu soo shaax baxay.
Lama Oga wajiga uu R/W C/weli maanta kala kulmi doono Xildhibaanada uu horjoogsan doono, inkastoo la hadal haayo in C/weli uu diyaar u yahay inuu baneeyo Xafiiska.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

