28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Qorshe ka dhan ah Shariif Xasan oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay inay wadaan Qorsho ay isku hortaagayaan dhismaha Maamulka Seddexda Gobol ee uu Madaxweynaha ka yahay Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Ilo-wareedka ayaa waxa uu intaa kusii darayaa in Maamulka uu fashilin doono talaabo waliba oo ay isku dayaan inay qaadan Maamulka Seddexda Gobol, oo ay ku sheegen inuu yahay mid aan ku dhisneyn rabitaanka shacabka.

Qorshaha ayaa noqon doono mid lagu carqaladeynaayo dhismaha maamulka, sida taabagalinta Ciidamada, Ammaanka iyo labada Gole ee Maamulka uu yeelan doono, iyadoona ay jiraan warar hoose oo sheegaya in Madaxweyne Madoobe Nuunow uu doonayo in weeraro lagu qaado Xarumaha Maamulka Seddexda Gobol, si uu ugu gorgortamo awoodihiisa.

Madaxweynaha Maamulka Seddexda Gobol Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa isagu dhawaan shaaciyay inuu wada hadalo la furi doono garabyada kasoo horjeedo Maamulkiisa, waxa uuna si gaar ah carabka ugu dhuftay Madoobe Nunow iyo garabkiisa, inkastoo aysan muuqan ifafaalo muujineyso wadahadal ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News